Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Dalka Haiti oo ka badbaaday isku day dil

News

Raysal Wasaaraha Dalka Haiti oo ka badbaaday isku day dil

Raysal Wasaaraha Dalka Haiti oo ka badbaaday isku day dil

(SLT-Gonaives)-Raysal wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa sheegay inuu ka badbaaday shirqool lagu khaariji lahaa, xilli uu ka qeybgalayay munaasabadda xuska xorriyadda dalkaas oo dhacday Sabtidi aynu soo dhaafnay.

Bayaan xalay kasoo baxay xafiiska raysal wasaare Henry ayaa lagu sheegay, in isku dayga dil ay ka danbeeyeen “budhcad iyo argagixiso” kuwaas oo isku dayay in ay toogtaan raysal wasaaraha xiili uu ku sugnaa kaniisadda magaalada Gonaives ee Waqooyiga Haiti, halkaas oo ay ka dhaceysay munaasabadda sannadguuradi 218-aad ee madax-bannaaniada Haiti.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Henry iyo kaaliyaashiisa oo u ordaya gaadiidkooda, xilli ay rag hubeysani rasaas ka ridayeen bannaanka kaniisadda.

Warbaahinta Haiti ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku lug leeyihiin koox budhcad ah. Hal qof ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen.

More in News

To Top