Connect with us

somalilandtoday.com

“Aragtida Ah Ha La Furo Ururada Siyaasiga Ah, Maadaama Ay Gaadhay Toban Guuradoodii, Waxaan U Arkaa Gar….” Siyaasi Maxamuud Xaashi

focus

“Aragtida Ah Ha La Furo Ururada Siyaasiga Ah, Maadaama Ay Gaadhay Toban Guuradoodii, Waxaan U Arkaa Gar….” Siyaasi Maxamuud Xaashi

“Aragtida Ah Ha La Furo Ururada Siyaasiga Ah, Maadaama Ay Gaadhay Toban Guuradoodii, Waxaan U Arkaa Gar….” Siyaasi Maxamuud Xaashi

Siyaasiga Maxamuud Xaashi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Khilaafka Furista Ururada Siyaasadda, wuxuuna ku yidhi qoraal ka mid ah qormooyin taxane ah oo uu waday:-

“Arrintan furista ururada siyaasiga ah, ee ay ku kala aragti duwanaadeen golihii wakiilada, iyo sadexdii xisbi qaran iyo xukuumadii. Marka aad dhagaysato dooda labada dhinac, waxaa hubaal ah in uu murankani salka ku hayo masalo sharci. Khilaafyada la xidhiidha arrimaha sharcigu, waa kuwo ka duwan sida loo xaliyo arrimaha kale ee la xidhiidha dhaqanka ama dhacdooyinka kale ee siyaasiga ah. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa garna garteed baa lagu doonaa, Mandheerna garkeed baa lagu doonaa. Sidaa darteed, khilaafyada sharci iyo muranada la xidhiidha xeerarka ka soo baxa goloyaasha, waxaa awood sharci u leh in ay ka gar naqdo ama fasirto maxkamada sare, oo ah maxkamada dastuuriga ah, sida uu dhigayo dastuurka qaranka qodobkiisa 98aad iyo 101aad. Haddaba, waxaan xal u arkaa in maxkamada loo dabo fadhiisto, ka gar niqida dacwadan lagu kala aragtida duwan yahay.

Aragtiday shaqsiga ah markaan is dul taago, ee ku aadan nuxurka khilaafkan. Aragtida ah ha la furo ururada siyaasiga ah, maadaama ay gaadhay toban guuradoodii, waxaan u arkaa gar. Dhinaca kale, aragtida ah waa in doorashadii madaxtooyadu ku dhacdaa xilligeedii, waxaan iyana u arkaa gar. Ugu danbayn, waxaan ku buurinayaa dhinacyada daneeyayaasha ah ee murankani u dhaxeeyo, in ay u hogaan samaan go’aanka maxkamada, isla markaana ka daayaan gujada iyo ganista”

More in focus

To Top