Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxa Sharci Ahaan Waxba Kama Jiraan Ah Talaabo Kasta Oo Ay Qaadeen – Magacaabis, Heshiis Ay Galeen, Lacag Ay Bixiyeen Iwm – Intii Ay Xilka Joogeen….” Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay Mas’uuliyiin Madaxweynuhu Magacaabay Oo Golaha Wakiilladu Dib Ugu Celiyeen.

focus

Masuuliyiinta dastuurku waajibiyay inuu ansixiyo Golaha Wakiiladdu waa in isla marka la magacaabo loo gudbiyo Golaha. Haddii duruuf jirta darteed lagu gayn kari waayo waxa ay si ku meel gaadh ah xilka ku hayn karaan sadex bilood oo keliya. Haddii ay ku dhaafto sadex bilood waa dastuur jebin cad oo aan qiil loo heli karin.

Golaha Wakiiladdu waa ku saxan yahay inuu ku celiyo madaxwaynaha. Waxa sharci ahaan waxba kama jiraan ah (null and void) talaabo kasta oo ay qaadeen – magacaabis, heshiis ay galeen, lacag ay bixiyeen iwm – intii ay xilka joogeen.

Waxa la gudboon Madaxwaynaha Somaliland:

1. Inuu garwaaqsado inuu yaha madaxa qaranka (Head of State) oo waajibkiisa koowaad yahay ilaalinta iyo raacidda dastuurka;

2. Inuu u eego talaabooyinka uu qaadayo dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka. Waa waxa ay ku kala duwan yihiin boqor iyo madaxwayne;

3. Inuu yeesho – si la mid ah madaxda adduunka kale joogta – xafiiska latallinta sharci ee madaxwaynaha. Ma jiro madaxwayne la doortay oo aan lahayn xafiiskaas. Ma jiro madaxwayne la doortay oo qaada talaabo aanu ka war hayn sharcinimadeeda xafiiska gaarka ah ee madaxwaynaha u qaabilsan sharciga. Xafiis ka baxsan madaxtooyada oo mar mar loo yeedho ma dabooli karo baahida sharci ee taal xafiiska Madaxwaynaha. Maqnaanshaha xafiis sharci waxa ay keentay inuu madaxwaynaha galo qalalaad sharci oo baaxad wayn, balse si fudud loo arki karo.

Maanta dalku xiisadda siyaasadeed iyo sharci ee uu ku jiro waxa keenay gefka laga galay dastuurka ee keentay in doodi ka taagan tahay furitaanka ururada siyaasadeed. Waa xiisad uu ka hortegi karaa lahaa qareen ama arday fasalka sadexaad ee sharciga dhigta oo xafiiska madaxtooyada ka shaqeeya.

Sida loo maamulo dal dasturu leh waxa ay u baahan tahay dhaqan dastuur raacid iyo ixtiraam sharci oo dhab ah.

Allahuma ballaqatu.

W/Q Garyaqaan Guuleed Dafac

More in focus

To Top