Connect with us

somalilandtoday.com

Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Wax Kala Soo Degta Dekedda Berbera Oo Shaqo Joojin Sameeyay.

focus

Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Wax Kala Soo Degta Dekedda Berbera Oo Shaqo Joojin Sameeyay.

Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Wax Kala Soo Degta Dekedda Berbera Oo Shaqo Joojin Sameeyay.

Cashuurta Badeecadaha Kala Duwan Ee Dekeda Berbera Kasoo Dagaya Iyo Gaadiid Cusub Ayaa Saaka Gabi Ahaanba taagan Aanay wax shaqo ahi ka socon.

Ganacsatada Oo Shaqada Joojiyay Ayaa ku Sababeeyay Shirkadda Dekedda Maamusha Ee DP World Oo Kordhisay Dhammaan Lacagaha Adeegyada Ay Ku Qabato Sida Ka Muuqata Lifaaqa Warqadani.

Sidoo Kale Shaqo Joojinta Ay Sameeyeen Ayaa iyana Waxa Qeyb Ka Ah Warqada Badeecadaha Ganacsatadu Kusoo Iibsato Ee Invoice-ka Loo Yaqaan Oo Wasaarada Maaliyadu Ganacsatad Ku Wargalisay Inay Keenaan 01.01.2022 Hadii Kale Aan Badeecadaha Loo Cashuuri Doonin Iyada Oo Aan Sababta Loo Raadinayo Warqadas La Cadayn.

Lacag Kordhinta Shirkadda DP World Iyo Waraaqadan iibka Badeecadaha Ee Wasaarada Maaliyadu Doonayso Ayaa Dabayaaqadii Sannadkii 2021 Ganacsatada Hore Loogu Dayay Waase Ay Ka Gaws Adaygeen Waxaana Dib Loogu Dhigay Bilawga Sanadkan Cusub 2022 Oo Ganaacsatadana Lagu Wargaliyay Inay Dhaqan Gali Doonaan Lacag Kordhinta Iyo Keenista Warqada Ganacsatadu Badeecadaha Kusoo Iibsadaan.

War Kale Ayaa Sheegaya In Caymiskii Oo Khasab Ahna Laga doonayo Gaadhi Kasta Oo Dekedda Kasoo Dagaya Iyo Midkasta Oo Galaya.

Maxamed abdilahi Soofadhiise

More in focus

To Top