Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyihii Iyo Ku-xigeenka Guddiga Doorashada Maamulka Puntland Oo Is-casilay

focus

Guddoomiyihii Iyo Ku-xigeenka Guddiga Doorashada Maamulka Puntland Oo Is-casilay

Guddoomiyihii Iyo Ku-xigeenka Guddiga Doorashada Maamulka Puntland Oo Is-casilay

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa goordhoweyd is casilay, iyaga oo warqada istiqaalada u gudbiyay xubnaha Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Guuleed Saalax, Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland oo qoraal soo saaray kadib markii uu xilkaas iska casilay, ayuu ku sheegay in duruufo ka horyimid dartood uu goostay in uu baneeyo booskaas.

Xirsi Faarax ahna Guddoomiye ku-xigeenka guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa asagna is-casilaadiisa ku sheegay inay ku salaysan tahay duruufo amni u gaar ah, sida uu sheegay.

Labada mas’uul ayaa ahaa kuwii ugu sarreeyay ee hoggaaminayay guddiga doorashooyinka Puntland ee qabtay doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee ka qabsoomay qeybo kamid ah deegaanada maamulkaas. Guddigan waa midka u gaarka ah Puntland, ee ma ahan kuwii qabanayey doorashooyinka federaalka.

More in focus

To Top