Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo Hanjabaad Culus Soo Saaray + Taliyihii Ilaalada Villa Somalia Oo La Xidhay + Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Khilaafka

focus

Maraykanka Oo Hanjabaad Culus Soo Saaray + Taliyihii Ilaalada Villa Somalia Oo La Xidhay + Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Khilaafka

Maraykanka Oo Hanjabaad Culus Soo Saaray + Taliyihii Ilaalada Villa Somalia Oo La Xidhay + Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Khilaafka

(SLT-Muqdisho)-Xafiiska u qaabilsan Arrimaha Afrika Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa taageero xoog leh u muujiyay Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxana uu sheegay xafiisku inay ku kalsoon yihiin dadaalka raysal wasaaraha ee doorashada.

Qoraal ka soo baxay xafiiska u qaabilsan arrimaha Afrika xukuumada Maraykanka ayaa lagu sheegay inay diyaar u yihiin inay tallaabo ka qaadaan dad carqalada ku ah nabada Soomaaliya.

“Maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya, isku dayga shaqada looga joojiyay raysal Wasaaraha waa wax laga naxo, waxaan taageereynaa dadaalkiisa doorashada oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyadu waa inay ka waantoobaan ficillada iyo odhaahyada xanafta leh” ayaa lagu yidhi qoraalkaka soo baxay dowlada Maraykanka.

Sidoo kale Safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa markale ku celisay baaqoodii ahaa in madaxda ay ka fogaadaan wax walba oo gacan ka hadal sababi kara.

Waxaana safaaradu ku celisay baaqeedii ahaa in la qabto kulanka Madasha Wadatashiga Qaran si loo dardargeliyo doorashada dalka Soomaaliya.

Dhan kale Xog ay heshay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigatay ayaa xaqiijinaya in Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage uu xilkii ka qaaday Taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada oo loo heysto inuu qaatay oo fuliyey amar khaldan.

Taliyahaas oo lagu magacaabo Xasan Aadan Dhicis, waxaa lagu eedeeyey inuu bixiyey amarkii shalay la isku dayey in raysal Wasaare Rooble lagaga hor-istaago inuu xafiiskiisa tago.

Xogtaan oo laga helay ilo xog ogaal ah oo ka tirsan xafiiska raysal Wasaaraha ayaa intaas ku dareysa in Taliyaha cusub ee ilaalada Madaxtooyada loo magacaabay G/Dhexe Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Geelle).

Korneyl Axmed Geelle ayaa ay qaraabo dhow la ah wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, waxaana Taliyaha ciidanka Odawaa Raage u soo gudbiyey oo ka dalbaday inuu xilkaas u magacaabo raysal Wasaare Rooble.

More in focus

To Top