Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Xayiraadda Ka Qaadaya 8 Dal Oo African Ah

focus

Mareykanka Oo Xayiraadda Ka Qaadaya 8 Dal Oo African Ah

Mareykanka Oo Xayiraadda Ka Qaadaya 8 Dal Oo African Ah

(SLT-Washington)-Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in madaxweyne Joe Biden uu dhammaadka bishaan ka qaadi doonno xayiraaddii dhanka socdaalka, ilaa 8 waddan oo ku yaalla dhinaca koofureed ee Africa.

Maamulka Biden ayaa bishi November xayiray dhammaan safarradi ka imaan lahaa dalalka South Africa, Botswana, Zimbabwe, Namibia, Lesotho, Eswatini, Mozambique iyo Malawi, sababo la xidhiidha cabsi laga qabay faafista nuqulka cusub ee Omicron ee xanuunka COVID-19. Xayiraaddaasi ma qabaneyn muwaadiniinta Mareykanka.

Sarkaalka u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay, in 31-ka Bishan December laga qaadi doono xayiraadda dhammaan muwaadiniinta u dhashay dalalkaas ee raba inay soo galaan Mareykanka.

Cudurka COVID-19 nuuciisa cusub ee Omicron ayaa la sheegay in marki ugu horreysay laga helay South Africa, arrintaas oo Koofur Africa gaarsiiyay dhibaato dhaqaale, kaddib marki ay dalal badan oo caalamka ah go’doomiyeen.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top