Connect with us

somalilandtoday.com

Xabbad Joojintii Magaalada Boosaaso Oo Dhaqan Gali Weyday Iyo Dagaal Mar Kale Xalay Halkaas Ka Dhacay

focus

(SLT-Boosaaso)-Xabbad joojintii ay ballanqaadeen labada dhinac ee ku dagaalamayay magaalada Boosaaso, ayaa dhaqan gali weyday kadib markii xalay mar kale uu dagaal xooggan halkaas ka dhacay.

Lama oga cidda jabisay xabbad joojinta, hase yeeshee, abbaaro 12:00 habeenimo ee xalay ayaa hal mar waxaa isqabsaday daryanka madafiicda la isweydaarsanayo.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay, mana jirto cid weli ka hadashay dagaalkii xalay oo labada dhinac katirsan.

Xaaladda ayaa saaka deggen, inkastoo goor kasta la filan karo inuu dagaal dhaco, waxaana magaalada kasii qaxaya dadkii ku hadhay si ay uga nabad galaan madaafiicda la is-dhaafsanayo.

Cisbitaalada ku yaalla magaalada Boosaaso, ayaa waxaa buux dhaafiyay dad badan oo ku dhaawacmay dagaalada labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Boosaaso.

More in focus

To Top