Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Soomaali Ah Oo Xaaskiisii Hore Ka Faafiyey Muuqaal Anshax Xumo Ah Oo Xukun Adag Lagu Riday

focus

Nin Soomaali Ah Oo Xaaskiisii Hore Ka Faafiyey Muuqaal Anshax Xumo Ah Oo Xukun Adag Lagu Riday

Nin Soomaali Ah Oo Xaaskiisii Hore Ka Faafiyey Muuqaal Anshax Xumo Ah Oo Xukun Adag Lagu Riday

Maxkamadda degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ee maamul gobolleedka Puntland ayaa shalay xukun xabsi iyo ganaax lacageed ah isugu dartay Cali Xabiib Maxamed oo lagu soo eedeeyey inuu muuqaal anshax xumo ah ka faafiyey haweeney ay kala tageen.

Ugu horreyn xeer ilaalinta ayaa soo jeedisay gal dacwadeedka eedeysanaha, waxayna sheegtay in Cali uu qirtay inuu faafiyey muuqaal ay isku qarsadeen xaaskiisii hore.

Farxiyo Maxamed Aadan oo ah haweeneyda ay kala tageen Cali ayaa u dacwootay hey’adaha garsoorka Puntland ee degmada Burtinle, kadib markii ay baraha bulshada ku aragtay muuqaal anshax xumo ah oo seygeedii hore uu ka faafiyey.

Eedeynta kadib, xeer ilaalinta ayaa maxkamadda u soo jeedisay in Cali Xabiib lagu xukumo laba sanno oo xabsi ah iyo 5,000 oo dollar oo ganaax ah.

Halkan hoose ka DAAWO

More in focus

To Top