Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Uu Muddo Xilleedkiisii Sii Dhammaanayo Oo Miciin Bidday Abaabulka Kooxaha Weji Ku Macaashka Kadib Marka Uu Kalsoonida Shacabka Waayaan

focus

Madaxweynaha Uu Muddo Xilleedkiisii Sii Dhammaanayo Oo Miciin Bidday Abaabulka Kooxaha Weji Ku Macaashka Kadib Marka Uu Kalsoonida Shacabka Waayaan

Madaxweynaha Uu Muddo Xilleedkiisii Sii Dhammaanayo Oo Miciin Bidday Abaabulka Kooxaha Weji Ku Macaashka Kadib Marka Uu Kalsoonida Shacabka Waayaan

Madaxweynaha uu muddo xilleedkiisii sii gabaabsiga yahay ee Muuse Biixi Cabdi ayaa bilaabay qorshayaal qiiq isku qarin ah, kuwaas oo uu ku doonnayo sidii uu ku heli lahaa muddo kordhin, isla markaana ay dib ugu dhici lahayd doorashada Madaxtooyadda ee muddaysan 13 November 2022-ka, taas oo ay hadda ka hadhsan tahay muddo ku siman tobban bilood oo qudha.

Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa, ayaa maal-mihii ugu dambeeyey ku jiray abaabulka kooxaha weji macaashka loo yaqaan, kuwaas oo iskugu jira rag iyo dumar, isla markaana Gobollada dalka iyo Maagaallooyinka dalka baddi laga istaadhay,isla markaana loo laqimay inay ku tas-biix-sadaan amaanta Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa iyo hambalyo iyo boggaadin aan geed haysan iyo cod dheer inay ku soo dhaweeyeen furrista ururrada Xukuumaddu shaacisay.

Weji ku macaashka ay Xukuumadda wakhtigeedii sii dhammaanayo ee Madaxweyne Biixi abaabushay,ayaa shaashadaha war-baahinta Dawlada iyo ta madax-bannaan haystay,kuwaas oo safaf ugu jiray amaanta Xukuumadda,isla markaana subcinaya ereyo isku mid ah oo loo soo la qimay,kuwaas oo ay kamid yihiin inay furista ururrada ku tageersan yihiin Xukuumadda iyo eeddo ay u jeedinayaan Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland.

Dhanka kalene tallaabooyinkan ayaa ah qaar ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ee wekhtigeedii sii dhammaanayo ay ku doonnayso inay ku hesho muddo kordhin,waxaanay tahay mid buuq samaysanaysa,isla markaana xaalada qiiq isku qarin ah abuuraysa si ay murraadkeeda muddo kordhinta ay raadinaysaa uu ugu suuragalo,waxaanay taasi keentay in Xukuumadda ay soo istaadho kooxo weji ku macaash ah iyo kooxo kale oo siyaasiyiin ay soo dhabbar taabatay.

Geesta kalena Madaxweyne Biixi oo lagu xaman jiray nin ka xanaaqa weji ku macaashka, isla markaana lagu amaani jiray inuu dhaqankaas suulliyey ayaa hadda waxa soo shaac baxday in uu miciin bidday kooxaha weji ku macaashka ah,kuwaas oo ah qaar uu ku kacsanayo awrkiisa oo is yidhi xaaladda hadda ayey wax kaaga tarrayaan.

Sidoo kalena tallaabooyinka Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay qaadayso, ayaa sida caaddada ah waxay astaan u yihiin guul-darrada, waxaana ficiladda sidan ah lagu yaqaanay oo ku caan ahaa inay sameeyaan Madaxweynayaashu marka ay kalsoonida shacabka waayaan, isla markaana ay ka baqdaan doorasho Madaxtooyadda inay qabtaan, taas baddelkeedana ay raadiyaan xeelad iyo kaarto ay ku helaan muddo kordhin.

Si kastaba aha ahaatee oodi jiidis iyo qaadis waa isla guri geyn’e, waxa arrimuhuu kala cadaan doonaan Bilaha soo socda,waxaynu dhawr-naa waa in Madaxweyne Biixi ay u suuragasho muddo kordhinta uu raadinayo iyo in kale.

More in focus

To Top