Connect with us

somalilandtoday.com

“Buuqii Ka Dhacay Golaha Wakiillada, Waa Kaarkii Doorashada Oo…” Dib U Milicso Madaxweyne Biixi Oo Sannadkii 2014-kii Ka Hadlaya Khilaaf Ka Dhex-qarxay Golihii Hore Ee Wakiillada

English

“Buuqii Ka Dhacay Golaha Wakiillada, Waa Kaarkii Doorashada Oo…” Dib U Milicso Madaxweyne Biixi Oo Sannadkii 2014-kii Ka Hadlaya Khilaaf Ka Dhex-qarxay Golihii Hore Ee Wakiillada

“Buuqii Ka Dhacay Golaha Wakiillada, Waa Kaarkii Doorashada Oo…” Dib U Milicso Madaxweyne Biixi Oo Sannadkii 2014-kii Ka Hadlaya Khilaaf Ka Dhex-qarxay Golihii Hore Ee Wakiillada

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa cahdigii Madaxweyne Siilaanyo dhammaadkii sannadkii 2014-kii mar uu ka hadlayey buuq iyo khilaaf ka dhex-qarxay Golihii hore ee Wakiillada Somaliland, kaas oo u muuqaal eekaa kan hadda jira iska taagay meel dhex-dhaxaad ah, waxaanu ku baaqay in khilaafka lagu dhammeeyo wadda haddal, haseyeeshee khilaafkan hadda ka dhex taagan Golaha Wakiillada ayaanu weli ka haddal.

Madaxweyne Muuse Biixi oo cahdigaasi ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,ayaa shir saxaafeed uu ku qabtay xarunta Xisbiga KULMIYE kaga hadlay dabayaaqadii sannadkii 2014-kii khilaaf ka dhex qarxay Golihii Wakiillada ee wakhtigaas, waxaanu sheegay in khilaafka Golaha uu ku saleeyahay xumadda doorashada Madaxtooyada, taas oo uu sheegay inay ruxankeeda leedahay.

Haddaladii wakhtigaasi uu jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa kamid ahaa kuwan “Buuq ayaa ka dhacay Golihii Wakiillada adduunka oo dhan waa caaddi Barlamaan buuq iyo dood ma waayo,waayo dannaha dalka ayaa lagu gorfaynayaa,lakiin guushu waxay ku jirtaa sida loo maareeyo murranka ,saaka khilaaf xooggan ayaa ka dhacay halkaas oo dood ah,dalka oo dhanna waxa gashay waxooggaa xasaasiyad ah iyo buuq Xisbiyaysan oo mucaarad iyo muxaafid ah,marka hore waxa aan ku tallinayaa oo aan ku baaqayaa in la damiyo xiisadda in lagu soo celiyo wadda haddal.”ayuu yidhi bishii November 2014-kii.

Isagoo intaas ku sii daray “Haddii aan nahay Xisbi xaakimka waxa aanu ku baaqaynaa nabad waxa aanu ku baaqaynaa wadda haddal,arrintana waxa aanu kaga jirnay kaalin cid walba is qancin iyo wadda haddal ku dhammayno.”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi bishii November 2014-kii.

Dhanka kalena Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wakhtigaas uu ka hadlayey khilaafka iyo buuqa ka dhacay Golaha Wakiillada, waxa uu sheegay arrinka uu yahay kaarkii doorashada,isla markaana ay ruxankooda ay iska leeyihiin doorashooyinku, waxaanu ku baaqay in xal nabadeed lagu dhammeeyo arrinka “Waxa aan doonnayaa in aan ummadda u caddayno in arrintani ay tahay mid ku kooban oo u taalla Golaha,Waa dhab waxa inna haya uumigii doorashada waxa soo socda oo soo dhaw-na doorashooyinkii,waa caadi inay yeeshaan ruxankooda iyo hawshooda .”

More in English

To Top