Connect with us

somalilandtoday.com

Shil Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay Oo Ka Dhacay Galbeedka Hargaysa

focus

Shil Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay Oo Ka Dhacay Galbeedka Hargaysa

Shil Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay Oo Ka Dhacay Galbeedka Hargaysa

(SLT-Hargeysa)-Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa ku naf waayay saddex kalena, way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay magaalada Arabsiyo ee ku taalla galbeedka magaalada Hargaysa.

“Ciidanka dab-demiska Gabiley iyo cisbitaalka weyn ee Gabiley ayaa gurmad degdeg ah goobtaa ku gaadhay, waxaana maydkii iyo dhaawacii gaadhsiiyeen cisbitaalka Gabiley. Gaadhiga shilka galay ayaa noociisu ahaa gawaadhida yar yar ee loo yaqaano Vitz” ayaa lagu yidhi qoraal lagu qoray bogga Facebook ee ciidanka dab-damiska.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in ciidanku ay saddexda qof ee dhaawacmay oo meelo badan dhaawacyo ka qabay, ay gaadhsiiyeen cisbitaalka wayn ee Gabilay halkaas oo hada lagu dabiibayo.

Ciidamada booliiska ayaa baadhis ku haya sababta shilka dhalisay.

More in focus

To Top