Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Lagu Eedeeyay In Uu Dastuur Jabin Kale Sameeyay

focus

Madaxweyne Biixi Oo Lagu Eedeeyay In Uu Dastuur Jabin Kale Sameeyay

Madaxweyne Biixi Oo Lagu Eedeeyay In Uu Dastuur Jabin Kale Sameeyay

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Distuur jebin kale ku kacay

106 maalmood ayey xilalka hayaan masuuliyiin u badan Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan, kuwaas oo iyaga oo aan Golaha Wakiilladu ansixin shaqooyinkoodii iska wata muddo ka badan tii uu distuurka dalku jideeyey.

Qodobka 114-aad ee Distuurka Farqadiisa 3-aad ayaa sheegaysa in muddo saddex bilood ka badan aanay si ku meel gaadh ah u shaqayn karin Masuuliyiinta Madaxweynuhu Magacaabay.

Masuuliyiintan ayuu madaxweyne Biixi digreeto ku magacaabay 2-dii bishii September 2021, iyaga oo illaa maanta shaqaynaya, iyada oo muddadii Distuurku waajibiyey dhaafay muddo saddex toddobaad ku dhow.

Tallaadan ayaa ah mid distuur jebin cad ah oo uu ku kacay Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanay sharci jebintan Madaxweynuhu ku soo beegmaysaa Xilli Xildhibaannadiisa Golaha Wakiillada iyo Wasiirradiisa ka marag kacayaan inuu sameeyey distuur jebin kale oo ah inuu Xafiiska iskaga haystay Wax ka beddelka Xeerka Nidaamka Ururrada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka.

Distuur jebintan, ayuu Madaxweynuhu ku mutaysan karaa maamus ka xayuubin sida uu dhigay qodobka 96-aad ee distuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

W/Q Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga WADDANI Mudane Yoonis Axmed Yoonis

More in focus

To Top