Connect with us

somalilandtoday.com

TPLF Oo Soo Laba Kacleysay Dibna U Qabsatay Magaalo Muhiim Ah

focus

TPLF Oo Soo Laba Kacleysay Dibna U Qabsatay Magaalo Muhiim Ah

TPLF Oo Soo Laba Kacleysay Dibna U Qabsatay Magaalo Muhiim Ah

(SLT-Addis Ababa)-Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in dagaalyahanada Tigray ay dib u qabsadeen magaalada taariikhiga ah ee Lalibela kadib wax ka yar laba toddobaad oo ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo xulufadooda.

Dadka ku nool magaalada ayaa xaqiijiyay in fallaagada TPLF ay dib ula warageegeen halkaas.

Ma jirin wax iska hor’imaadyo oo dhexmaray ciidamada, sida ay wararka sheegayaan.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada gaarka ee gobolka Amxaarada iyo maleeshiyaadkii taabacsanaa ay isaga baxeen xalay halkaas iyadoo aanu dhicin wax dagaal ah.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku aadan qabsashada magaaladan.

Lalibela oo ay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNESCO u aqoonsatay mid taariikhi ah ayaa ku taalla gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, waxa ayna ahayd goob loo dalxiis tago ka hor intii aysan qarxin colaadda.

Todobaadyadii la soo dhaafay ciidamada dowladda Itoobiya waxay gaareen guulo millateri, waxaana howgalkooda ka qeyb ahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka.

Colaadda sannad jirsatay ee u dhaxaysa dawlada dhexe iyo fallaagada Tigray ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo rayid ah halka malaayiin kalena ay ka qaxeen guryahoodii.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 9 milyan ay ku tiirsan yihiin cunno gargaar ah.

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli ciidamada Itoobiya ay magaalooyin muhiim ah ay ka qabsadeen TPLF.

Halka fallaagada ay sheegtay in xeelad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinka ay dib u qabsatay dowladda.

Magaalada Lalibela oo caan ku ah kaniisadaha dhagxaanta gudahooda laga dhisay, ayaa bishii Agoosto waxaa la wareegtay fallaagada TPLF.

Afhayeenka Raysal wasaaraha Itoobiya Bilene Seyoum ayaa dhawaan sheegtay in jabhada TPLF ay khasaare naf iyo maalba ah ka gaysteen gobolada Canfarta iyo Axmaarada.

Dagaalka waqooyiga Itoobiya ka billaamay 4-tii November 2020 ayaa qarxay kadib marki ay dowladda Itoobiya sheegtay saldhigga ugu weyn ciidamada dalkaasi oo ay ku lahaayeen magaalada Maqale iney weerar ku qabsadeen ciidama daacad u ah TPLF.

Dagaalka xilliga soo billaawday ayaa haatan 13 bilood jirsaday iyada oo ay weli muuqan wax xal ah oo laga gaadhay colaadda dalkasi ka aloosan.

Midowga Afrikana wuxuu isku dayay inuu dhinacyada halkaa isku hayo uu u kala dab qaado balse ay weli dadaalladooda mira dhal noqon.

Ciidammada dowladda waxay maanta sheegeen inay dagaal xooggan oo ay la galeen TPLF ay ku qabsadeen waddada halbowlaha ah ee isku xidha Waldiya iyo Maqale.

Fallaagada TPLF dhankooda waxay dagaal qaraar u galeen sidi ay waddada Waldiya iyo Maqale isku xidha ay u difaacan lahaayeen si aan loga qabsan balse ugu dambeynti dagaalka looga awood roonaaday.

More in focus

To Top