Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya Oo Sheegtay Inay TPLF Ka Qabsatay Waddo Halbowle Ah Oo Isku Xidha Laba Magaalo Oo Muhiim Ah

focus

Itoobiya Oo Sheegtay Inay TPLF Ka Qabsatay Waddo Halbowle Ah Oo Isku Xidha Laba Magaalo Oo Muhiim Ah

Itoobiya Oo Sheegtay Inay TPLF Ka Qabsatay Waddo Halbowle Ah Oo Isku Xidha Laba Magaalo Oo Muhiim Ah

(SLT-Addis Ababa)-Ciidammada dowladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegay inay dagaal qadhaadh oo ay TPLF la galeen ay ku qabsadeen waddada halbowlaha ah ee isku xidha Waldiya iyo Maqale

Warkan oo aan ka soo xigannay telefishiinka dowladda ee EBC ayaa sheegaya inay ciidammadu dagaal maalmihi u dambeeyey ay la galeen TPLF oo ka socday jiidda hore ee bariga dalkaasi inay ku qabsadeen waddadaasi.

Sida oo kale ciidamadu waxay sheegeen inay qabsadeen buuraha silsiladda ee Zoble oo iyo mgaalooyinka ku hareereysan sida Orjo, Fokiso iyo Booran.

Fallaagada TPLF dhankooda waxa ay dagaal qadhaadh u galeen sidi ay waddada Waldiya iyo Maqale isku xidha ay u difaacan lahaayeen si aan looga qabsan balse ugu dambeyntii dagaalka lagaga awood roonaaday.

Waddada ay ciidamada Itoobiya sheegeen inay TPLF ka qabsadeen ayey ku sheegeen inay go’doomineyso ciidamada fallaagada TPLF ee gudaha deegaanka Amxaarada ka dagaallamaya, saanaddi ciidan iyo maleeshiyaadki dhanka Maqale kaga iman jirayna ay waayayaan wadda ay u soo maraan.

More in focus

To Top