Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirro Uu Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dastuur Jabin Sameeyay

focus

Wasiirro Uu Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dastuur Jabin Sameeyay

Wasiirro Uu Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dastuur Jabin Sameeyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaan weli u gudbin Golaha Wakiillada xubnihii Wasiirrada ahaa ee uu magacaabay dhawaan, kuwaas oo dhaaftay wakhtigii Distuurku dhigayey in Masuuliyiinta aan la ansixin si ku meel gaadh ah u shaqeeyaan.

Masuuliyiintan Wasiirrada ah ee aan la ansixin oo muddo 100 maalmood ah shaqooyinkooda iska wada iyaga oo aan Golaha Wakiilladu ansixin, ayaa waxa uu distuurku sheegayaa in ay si ku meel gaadh ah u shaqayn karaan saddex bilood amma sagaashan maalmood.

Xildhibaan Cabdillaahi Yuusuf oo ka mid Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu masuuliyiin cusub uu magacaabo, kuwa kale ee muddo dhaafayna shaqada ka joojiyo, waxaanu yidhi “Sida ku cad Qodobka 114aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland faqradiisa saddexaad oo u dhigan sidan:                                          ‘Masuuliyiinta Qaranka ee Dastuurku Waajibiyey in la ansixiyo, si kumeel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo kabadan Saddex bilood.’

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wareegtada sumadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-7092021 oo uu ku magacaabay Masuuliyiin cusub way dhaaftay mudadii uu sharcigu siiyey in masuuliyiintaa lagu ansixiyo oo la horgeeyo golaha wakiilada, sidaa awgeed waxaan madaxweynaha ugu baaqayaa in uu xilalkaa masuuliyiin cusub u magacaabo, isla markaana uu ka joojiyo masuuliyiinta hore ee wakhtigu ka dhamaaday.”

More in focus

To Top