Connect with us

somalilandtoday.com

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Aanu Dalku Ahayn Bakhaar Uu Leeyahay Muuse Biixi Oo Uu Sida Uu Doonno Ka Yeelli Karro Iyo Digniin Uu U Diray

focus

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Aanu Dalku Ahayn Bakhaar Uu Leeyahay Muuse Biixi Oo Uu Sida Uu Doonno Ka Yeelli Karro Iyo Digniin Uu U Diray

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Aanu Dalku Ahayn Bakhaar Uu Leeyahay Muuse Biixi Oo Uu Sida Uu Doonno Ka Yeelli Karro Iyo Digniin Uu U Diray

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa inay joojiyaan xadhiga aan loo aabbo yeellayn,kaas oo u sheegey in ciddii juuq tidhaah-ba la xidhayo,waxaanu sheegay in dalku aanu ahayn Bakhaar uu leeyahay Muuse Biixi

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in haddii cid la xidhayo ay haboonayd in la xidho madax-dhaqameedka kuwooda qabyaaladda u ban-baxay”Haddii la doonnayo in qaar la xidho waxa fiicnayd in la xidho kuwa qabyaaladda ku hadlaya ee Salaadiinta sheeganaya ee meeshii Dawlad-nimadii ka saaray ee axsaab ka saaray ee innaga dhigay qabaa’il tartama oo isku qaylinaya in kuwaa la xidhaa ayey ahayd,lakiin inama yar yar oo dhallinyaro ah oo riwaayad qosol ah sameeyey marka la yidhaah waa la xidhay xorriyatul qawlkii ayey meel kaga dhacday oo distoorkeenu wuu ka soo horjeedaa.”ayuu yidhi

Isagoo intaas ku sii darray “Waxaan leeyahay Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa in dhallinyarta la soo daayo xadhiga aan loo aabbo yeellayna in la joojiyo ayaan leenahay Madaxweynaha.”ayuu yidhi

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa inay joojiso xadhiga sharci darrada ah”Madaxweynuhu ha joojiyo xadhigan aan loo aabbo yeellayn ee ciddii juuq tidhaah la xidhayo,waxay Somaliland u soo dagaalantay maaha,wax dastuurkeenu qorayo maaha.”ayuu yidhi

Dhanka kalene Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland lagu eedeeyo inay yihiin mucaarad jilicsan,isla markaana la haystayaal u ah nabad “Annaga waxa na lagu cannaantaa Somaliland ma laha mucaarad xoog leh ayaa na lagu caayaa buug aan akhriyayey oo Somaliland ka hadlaya oo soo baxay,waxa lagu qoray nabad-gelyadda ayey illaaliyaanoo waxay yihii qaar la haystayaal u yihiin nabada (hostage of peace) .”ayuu yidhi

Gunaannadkii Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanu dalku ahayn Bakhaar uu leeyahay Madaxweyne Biixi,isla markaana u sida uu doonno ka yeelli doonno “Dalkan waa la wadda leeyahay tallada maanta addiga ayaa loogu doortay,lakiin dalku Bakhaar aad leedahay maaha oo sida aad doonto ka yeellaysid ,ha iska daadin ayaan leeyahay Madaxweynoow sharrafta lagu saarray ee lagugu doortay ha iska saarin,haddii aad sharraftaada iyo karraamada xafiiska aadillaalin weyday yaa kale ee illaalinaya,addigii meesha fadhiyey ee lagu ixtiraamay haddii aad u qaadatid in aad addigu leedahay wax soconaya maaha runta ayaa ku sheegayaaye .”

More in focus

To Top