Connect with us

somalilandtoday.com

“Afduubasho Ma Aha Ee Waa Afduub” Yuusuf Garaad Oo Qoraal Xasaasi Ah Kasoo Saaray Doorashada

focus

“Afduubasho Ma Aha Ee Waa Afduub” Yuusuf Garaad Oo Qoraal Xasaasi Ah Kasoo Saaray Doorashada

“Afduubasho Ma Aha Ee Waa Afduub” Yuusuf Garaad Oo Qoraal Xasaasi Ah Kasoo Saaray Doorashada

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo haatan ah ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo saaray qoraal xasaasi ah oo ku aadan doorashooyinka 2021-ka ee haatan ka socda dalka Soomaaliya.

Yuusuf Garaad ayaa tusaale cajiib ah ka bixiyey doorashada, isaga ku cabiray erayo kooban oo uu tilmaam kaga bixiyey ergada wejiyadooda qarisay iyo ‘boobka’ doorashada socota ee Golaha Shacabka.

“Afduubasho ma aha ee waa afduub. Waa la afduubay ee lama afduuban,” ayuu yidhi Yuusuf Garaad Cumar.

Qoraalkan ayaa dhaliyey hadal heyn xoogan, waxaana ka falceliyey dad fara badan oo qaarkood su’aallo ka keenay hadalka wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa markale fasiraad ka bixiyey qoraalkiisa, isaga oo la wadaagay dadweynaha ku xidhan boggiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

“In dan loo afduubtay iyo in duul kale loo afduubay waa sababta afduubka, laakiin falka dhacay waa afduub. Markaa waa la afduubay,” ayuu ku yidhi sharaxaaddiisa.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo dood xoogan ay hadda ka taagan tahay sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka oo ay qaadaceen musharixiinta mucaaradka.

More in focus

To Top