Connect with us

somalilandtoday.com

FARMAAJO Oo Kulan La Qaatay Amiirka Dalka Qatar + Waxyaabihii Ay Ka Wada-Hadleen

focus

FARMAAJO Oo Kulan La Qaatay Amiirka Dalka Qatar + Waxyaabihii Ay Ka Wada-Hadleen

FARMAAJO Oo Kulan La Qaatay Amiirka Dalka Qatar + Waxyaabihii Ay Ka Wada-Hadleen

(SLT-Doha)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xidhiidhka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Farmaajo oo uga mahad-celiyey Amiirka Qatar fulinta Mashaariicda dhismaha jidadka isku xidha, Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo Jawhar, dhismaha Xarumo muhiim u ah Dowladda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dalka iyo horumarkiisa.

Dhankiisa, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya wadashaqaynta dhow ee ay leeyihiin, isaga oo muujiyey dareen walaalnimo oo ku aaddan horumarka dalka iyo guulaha muuqda ee aynu xaqiijinnay sannadihii la soo dhaafay.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamsa Siciid Xamsa iyo Danjireheenna dalkan Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.

More in focus

To Top