Connect with us

somalilandtoday.com

Ma Runbaa In Madaxweyne Biixi Uu Taageero U Muujiyay Dagaalka Ay Dowladda Itoobiya Kula Jirta Xoogagga TPLF

focus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa lasoo tabiyay inuu taageero u muujiyay dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta xoogagga fallaagada ah ee TPLF, sida ay sheegtay Warbaahinta Fana ee ku hadashada afka dowladda.

Fana ayaa warkan boggeeda Facebook ku daabacday 28-kii bishan November.

“Waxaan garab taagan nahay ololaha badbaadada ah ee ay dowladda Itoobiya ka waddo waqooyiga dalkaas,” Fana ayaa soo xigatay hadalkaas oo ay sheegtay inuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sida lagu soo warramay hadalkan ka sheegay kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay sida loo ballaadhin karo xidhiidhka ganacsi iyo midka dhaqaale ee u dhaxeeya labada dhinac.

More in focus

To Top