Connect with us

somalilandtoday.com

“Anigu Waxaan Shakhsi Ahaan Qabaa In Boqor Cismaan Buur Madaw Somaliland U Hiiliyey….” Siyaasi Cali Guray

focus

“Anigu Waxaan Shakhsi Ahaan Qabaa In Boqor Cismaan Buur Madaw Somaliland U Hiiliyey….” Siyaasi Cali Guray

“Anigu Waxaan Shakhsi Ahaan Qabaa In Boqor Cismaan Buur Madaw Somaliland U Hiiliyey….” Siyaasi Cali Guray

“Anigu shakhsi ahaan maan sharaysan booqashada Boqor Cismaan Buurmadow uu ku tegay Muqdisho iyo Baydhaba. Qofka Hargeysa dhexdeeda ka yidhaa “Goni-isu-taaga Somaliland waa go’aan shacbi warkiisu xiiso ma leh waayo waa caadi oo war la qabaa xiiso ma leh. Balse qof caan ah oo soomaali oo dhami taqaan oo weliba hogaamiye dhaqameed ah marka inta uu Muqdisho tago ka dhex yidhaa dad badan ayay ku noqon kartaa yaab iyo yaabka-yaabkii. Mar Muqdisho ayuu tegay ayaa in badan oo caadifiyiin ah oo weliba ka soo jeeda beeshe dhexe ee Somaliland ku noqonaysa amakaag. Waayo waxay aaminsan yihiin qof caan ah oo ka soo jeeda Somaliland hadii uu Muqdishaba tegay in uu yahay dambiile khayimul waddan ah, sharcigana waxba kama gelin oo isaga ayaa sharci ah. Xagiisa sida loo kala neceb yahay Muqdisho iyo Somalia ayaa loo kala muwaadinsan yahay Somaliland. Kuwo kale oo Reer Muqdisho ama Somaliya ahna waxa yaabka-yaabkiisa ku ah ninka Hargeysa ka yimi ee ku dhici karay inta uu Muqdisho ugu yimaado si cad warbaahinta uga yidhaa “ gooni-isu-taaga Somaliland waa go’aan shacbi waanan taageersanahay”, Somaliland miyuu ka hiiliyay mise wuu u hiiliyay? Anigu waxan qabaa in uu u hiiliyay? Laakiin qofka isaguna si kale u arka waa isaga iyo garashadiisa. Kuma qoonsan karo”

More in focus

To Top