Madaxweynaha uu hadda muddo xilleedkiisii sii gabaabsiga yahay ee Muuse Biixi Cabdi ayaa mar uu dhaliilayey Xukuumadda Madaxweyne Riyaale saddex sanno markii ay xilka haysay ku tilmaamay inay tahay mid fadhiid ah,isagoo Madaxtooyadda ku sheegay inay tahay xabaallo aan wax tallo ah aan laga sugayn.
Madaxweyne Biixi ayaa waxa kamid ahaa haddaladiisii wakhtigaa uu ku weeraray Madaxweyne Riyaale kuwan :-“Saddex Xisbi ayaa la kale doortay xisbi ayaa talladii dadku u dhibteen oo la yidhi ha looga dambeeyo,weliba dadku mucaacaradka waa naceyb yahay,inagadaayadii ayaanu idinla qaadanay,qolada UDUB halkii Madaxtooyadda la odhan jiray ina Cigaal dhimmay oo xabaalo ayey noqotay .”
Isagoo intaas ku daray”Qoladda UDUB ee tidhi barwaaqo ayaan idin dabaal siinaynaa saddex sanno ayaa u dhammaaday iyaga ayaa inooga turjumi meeshaa waxa ku jira.”ayuu yidhi cahdigaas Madaxweyne Biixi
Dhanka kalena Madaxweyne Biixi oo si gaar ah ula hadlaya taageerayaashii Xisbigii UDUB yidhi sidan:- “Xukuumadda innaga daaya oo qoladii UDUB dooratay ee sacabka tumaysay ee shacab iyo cid walba lahaydeey, bal wallaalayaa nooga turjma annagu afgaran weynay Xukuumaddee,qoladii UDUB ee meesha aad uga heesaysay ha inooga turjunto meeshaa waxa ka soo socda,inteena kale waxaynu ku heshiinay Dawladdana yaanaynu aad u caayin ,wax ayey inoo soo waddaa aynu sugno bal qoladii UDUB ha isku tagto oo dalka xaalada joogta waxay inoo hayaan iyaga ayeynu wax u dhiibneeha inooga soo warramaan.”
Madaxweyne Biixi ayaa cahdigaas magaca Madaxweyne Riyaale inuu soo qaado afka ka dhawrayey,isagoo muujinayey in aanu Riyaale u aqoonsanay Madaxweyne inuu yaha,waxaanu sheegay in hoggaaminta Riyaale uu quus ka taagan yahay,isagoo Madaxweyne Riyaale ku tilmaamay nin aan kale jeclayn Somaliland haddii ay dumayso iyo haddii kale”Ninkaa magaciisa aad sheegtay ee goor roon la soo qaadka ah,Ninkaa hoggaamintiisa quus ayaan ka taaganay horena waan uga soo horjeeday inta aan meesha la keenin, Ninkani meesha si aan la garan karrin ayuu ku yimi,caawa haddii ay rogmato iyo haddii ay gubato Somaliland dan kama laha .”
Dhanka kalena Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale afka ka dhawray inuu yidhaah-do Madaxtooyada,waxaan xiligaas ku tilmaamay inay tahay meeshu xabaalo “waar meeshan derajo ma leh halkan waa xabaal oo wey dhimmatay arrin mayaal ee inaga daaya, shicibka qolada UDUB taageertaa illaahay caqliga haku soo celiyo.”ayuu yidhi
Ugu Dambeyn Madaxweyne Biixi ayaa haddalkiisa ku soo gunaanaday sidan:-“Mucaaradku waxay ka midaysan yihiin dhibaatooyinka jira iyo waxa ina haysta iyo war warka ,annagu Xisbi ahaan waxa aanu diyaar u nahay in la hello cid nooga turjunta qoladan maamulka haysa iyo UDUB oo na fahan siisa waxay noo hayaan iyo waxay la jiifaan iyo waxay noogu khuurinayaan.