Connect with us

somalilandtoday.com

Baashe Cawil Oo Dib Ugu Laabtay KULMIYE Iyo muxuu u ballan-qaaday Madaxweyne Biixi

focus

Baashe Cawil Oo Dib Ugu Laabtay KULMIYE Iyo muxuu u ballan-qaaday Madaxweyne Biixi

Baashe Cawil Oo Dib Ugu Laabtay KULMIYE Iyo muxuu u ballan-qaaday Madaxweyne Biixi

(SLT-Hargeysa)-Denjira Baashe Cawil Xaaji Cumar oo aanu dhawaan baahinay laba kullan oo is xig-xigay oo uu la yeeshay Madaxweyne Biixi,kuwaas oo natiijadoodu ay ku soo dhammaatay is afgarad iyo in uu la shaqeeyo Madaxweyne Biixi,isla markaana uu ka sii mid ahaado Xisbiga KULMIYE.

Kullamada uu Madaxweyne Biixi la yeeshay Baashe Cawil oo kale dambeeyey ayaa la sheegay in Madaxweyne Biixi uu ku guullaystay qorshisii ahaa in aanu ka haajirin siyaasigan Xisbiga KULMIYE,isla markaana aanu ku biirin Xisbiga WADDANI,taas oo uu geed dheer iyo mid gaaban u fuullay.

Biixi ayaa la sheegay in qoddobada uu ku soo lad-qabeeyey siyaasigan Baashe Cawil inay kamid ahayeen in aanu taariikhdii Siilaanyo ku noqon mid la dagaalamaya iyo in uu siin doonno xil wasiir-nimo oo shilis iyo arrimo kale,kuwaas oo keenay in Baashe uu dib ugu sii negaado guri caskii uu doonnayey inuu ka soo hayaamo ee KULMIYE,taasi oo dad-badani ay u arkaan mid uu siyaasigan uu isku gawracay.

Fallaqeeyayaasha siyaasadda Somaliland ayaa iyagu u arka tallaabadan mid uu ku guullaystay Madaxweyne Biixi,isla markaana ku xejistay siyaasi miisaan leh,isla markana magacii qoyska Madaxweynihii hore ee Siilaanyo sita oo haddii uu Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI uu tago saamayn weyn ku yeellan lahaa,halka ay taa baddeleeda u arkaan in Baashe uu siyaasad ahaan sidaas ku dhintay,isla markaana ay ahayd inuu go’aankiisi hore uu ku adkaysto.

Geesta kalena Madaxweyne Biixi ayaa markii ay is laabxadheen Baashe Cawil,kaddib waxa uu Baashe Cawil kale qayb-gallay munaasabadii furritaanka Madaarka Berbera,waxaanu Madaxweyne Biixi uu khudabadiisa ku soo qaatay haddalo uu ku beer-laxawsanayo siyaasigan,kuwaas oo u bad-naa aamaan iyo laab-qaboojin “Waxa inala jooga Baashe Cawil oo aad ogaydeen,wixii ka gaadhay ee cay iyo dagaal ahaa.” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay furitaanka madaarka Berbera.

Dhanka kalena xoggo uu wargeyska Waaberi helay ayaa sheegeen in Baashe Cawil uu Axadii daraad ka dhoofay dalka,isla markaana uu u boqoolay xaggaas iyo Dubai,waxaanay illo wareed-yo ka agdhow Baashe Cawil ay soo weriyeen oo uu u sheegay in Madaxweyne Biixi ay ka heshiiyeen qardoofadii siyaasadeed ee soo kale dhex-shay,isla markaana uu go’aansaday in uu ka sii mid ahaado Xisbiga KULMIYE oo uu la shaqeeyo Madaxweyne Biixi.

Sidoo kale xoggaha aanu Baashe Cawil ka helaynay ayaa sheegay in Dubai uu u tegay tashi iyo tashkiilin xubnaha qoyska Madaxweynihii hore ee Somaliland oo ka biyo diiday hoggaaminta Madaxweyne Biixi,isla markaana iskaga dhax-bay guud ahaanba siyaasadda iyo arrimaha Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo uu Madaxweyne Biixi ka shakisan yahay in ay dhanka mucaaradka ka raaci doonnaan gaar ahaana Xisbiga WADDANI

Si kastaba ah-ahaatee Madaxweyne Biixi ayaa ku guullaystay inuu ladqabeeyo Siyaasi Baashe Cawil oo dhawaan saluugay oo iska casiley xil wasiir ku-xigeen loo magacaabay ,kaas oo kullamo la yeeshay Musharrax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI,isla markaana u socday dhanka Xisbiga WADDANI,haseyeeshee hadda u muuqda inuu ku guntay Madaxweyne Biixi kuna qanciyey inuu la sii jalo ahaado oo uu Xisbiga KULMIYE ka sii mid ahaado.

More in focus

To Top