Connect with us

somalilandtoday.com

Abiy Axmed Oo Ku Dhawaaqay Tallaabo Lama Filaan Ah Xilli Ay Ciidamada TPLF Ku Sii Dhawaanayaan Addis Ababa

focus

Abiy Axmed Oo Ku Dhawaaqay Tallaabo Lama Filaan Ah Xilli Ay Ciidamada TPLF Ku Sii Dhawaanayaan Addis Ababa

Abiy Axmed Oo Ku Dhawaaqay Tallaabo Lama Filaan Ah Xilli Ay Ciidamada TPLF Ku Sii Dhawaanayaan Addis Ababa

(SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay inuu tagi doono furimaha dagaalka si uu hoggaamiyo ciidamada la dagaalamaya mucaaradka, xillia dagaalka sannad jirsaday uu kusoo dhawaanayo caasimadda Addis-Ababa.

“Laga billaabo berri [maanta oo salaasad], waxaan ciidanka ka abaabali doona jiidda hore,” ayuu Aby Ahmed ku yidhi bayaan uu soo dhigay twitter habeenkii Isniinta.

“Kuwa doonaya inay ka mid noqdaan caruurta Itoobiya ee ay xusi doonto taariikhda, u istaagi dalkiina maanta, aanu ku kulano furinta hore.”

Bayaanka Abiy ayaa yimid ayada oo ciidamada TPLF ay kusoo dhowaanayaan Addis Ababa, kadib markii ay qabsadeen magaalada Shewa Robit, oo 220 km u jirta caasimadda.

Wasiirka difaaca Abraham Belay ayaa shalay warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada dowladda ay la iman doonaan “xeelad cusub,” isaga oo aan bixin faah-faahin.

“Sidan kuma sii socon doonno, waa inaan isbeddel sameynaa,” ayuu yidhi Belay

Abiy ayaa ciidamada dowladda u diray gobolka Tigray bishii November ee 2020, kadib markii uu TPLF ku eedeeyey inay weerareen xero ay leeyihiin ciidamada dowladda.

Kadib bilo ay haysteen gobolka, ayaa wax walba waxay isbeddeleen bishii June ee sanadkan kadib markii TPLF ay dib ula wareegtay gobolka, ciidamada dowladdana ay ka baxeen.

Wixii markaa ka dambeeyey TPLF ayaa isku ballaadhisay gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar.

Waxay sidoo kale isbaheysi la sameysatay kooxo kale, oo ay ku jirto kooxda OLA ee Oromada, taasi oo ku xooggan gobolka Oromia ee deriska la ah Addis Ababa.

More in focus

To Top