Connect with us

somalilandtoday.com

Madaarka Berbera Haloogu Magac Geesigii Somaliland Xoreeyay

focus

Madaarka Berbera Haloogu Magac Geesigii Somaliland Xoreeyay

Madaarka Berbera Haloogu Magac Geesigii Somaliland Xoreeyay

Madaarka Berbera: Haloogu Magac  Geesigii Somaliland Xoreeyay, ahaana Madaxweynihii u horreeyay ee Jamhuuriyada Somaliland.

Asalaamu Calaykum

Berri subax waxaa lagu wadaa in Xadhiga laga jaro dhismaha cusub ee magaalada Berbera oo  ay inoo dhiseen Dalka aynu Walaalaha nahay ee Imaaraatka Carabtu, waxaana furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo imika Berbera ku sugan.

Waxaan soo jeedinayaa oo aan Madaxweyne Musse Biixi ka codsanayaa in uu Madaarka Berbera ku sharfo Geesigii hogaaminayay Ururkii SNM ee xoreeyay Dalkeena ee ay Madaxweyne Muuse halganka soo wada galeen.

Allah ha u naxariistee Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur waxa uu Dalkan ku leeyahay Abaal taariikhi ah oo aan weligii duugoobi doonin, Madaxweyne Muuse waxay u horseedi doontaa sharaf iyo wanaag la xusi doono haddii uu Saaxiibkii ku sharfo magaca Madaarka Berbera. Maalinta ay Madaxweyne Muuse tiisu timaadana waxaa lagu sharfi meelo ka sii weyn Madaarka Berbera.

Ugu danbayn waan ku faanayaa inaan ka mid ahaa Ururkii SNM gaar ahaan Guutadii Koodbuur ee xoraysay, gacantana ku dhigay magaalada Berbera, kuna dhaawacmay sanadkii 1991. Waxaanan dhawaan idinla wadaagi doonaa sida uu ahaa Madaarka Berbera maalintii u horreysay ee aanu gacanta ku dhignay, kana saarnay ee aanu jabinay Ciidankii Dawladii Maxamed Siyaad Barre.

Ma Duugoowdo Taariikhdu

Waxa Qoray Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed.

More in focus

To Top