Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Weerar Loo Adeegsaday Tooreey

focus

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Weerar Loo Adeegsaday Tooreey

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Weerar Loo Adeegsaday Tooreey

(SLT- Cape Town)-Sida ay qorayaan Wargaysyada Koonfur Afrika, Dhac ganacsi oo ka dhacay deegaanka Vrygrond oo ku dhow Xeebta Muizenberg ee Magaalada Cape Town, ayaa waxaa ku dhintay 31 jir Soomaali ah, kaas oo dhowr jeer Minddi ay ku dhufteen budhcad weerartay.

Afhayeenka Booliiska, Joseph Swartbooi, ayaa sheegay in Booliska Muizenberg ay tageen goobta Vrygrond Avenue saacadu markay ahayd 3:45 galabnimo ee isniinta, ayna heleen Maydka Muwaadinka oo ay dadka deegaanku u yaqaaneyn Suleymaan.

“Markii ay yimaadeen goobta fal-dembiyeedka ee Vrygrond Avenue, waxay heleen meydka nin 31 jir ah oo jidhkiisa dhaawac ka soo gaadhay. “Dhibanaha ayaa shaqaalaha caafimaadku sheegeen inuu goobta ku dhintay.

“Sida ay sheegayaan wararka, laba tuhmane oo aan la garanayn ayaa soo galay dhismaha, iyagoo Tooriyeeyey Marxuunka, ka dibna waxay goobta uga baxsadeen jihada aan la sheegin iyagoo wata Cadad Lacageed oo aan cadadkeeda la sheegin oo laga soo qaatay goobta dembiga welina lama qaban,” ayuu yidhi Swartbooi.

More in focus

To Top