Connect with us

somalilandtoday.com

Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xalay Albaabada U Laabay Telefishinka Madaxa Banaan Ee Nabad TV

News

Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xalay Albaabada U Laabay Telefishinka Madaxa Banaan Ee Nabad TV

Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xalay Albaabada U Laabay Telefishinka Madaxa Banaan Ee Nabad TV

(SLT-Jigjiga)-Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa albaabada u laabtay xaruntii Telefishinka madaxa banaan ee  Nabad tv kulahaa magaalada Jigjiga.

Komishineer ku xigeenka booliska dowlad degaanka Soomaalida G/sare Maxamuud Sheekh Axmed, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Telefishinku baahiyey warar iyo warbixino ka hor imanaya bayaanka xaaladda deg degga ah ee dhawaan si guud loogu soo rogay Itoobiya.

Geesta kale waxaa isna la xidhay mulkiilaha Nabad tv Cabdulaahi Axmed Yuusuf, sida ay sheegtay Filsan Cabdulaahi oo ah aasaasaha Nabad tv, sidoo kalena uu dhalay mulkiilaha tvga ee la xidhay.

Dadka degaanka ayaa aad uga cadhooday xadhiga lagula kacay Tvga Nabad tv, iyagoo sheegay inuu tvgu ahaa kan kaliya ee madaxa banaan ee xaruntiisu tahay degaanka.

Telefishinka ayaa waxaa aasaasay Filsan Cabdilaahi oo hore u ahayd Wasiiradda haweenka iyo dhallaanka ee Itoobiya, wuxuuna xadhiga tvgu kusoo beegmayaa xilli Itoobiya ay ka jirto xaalad deg deg ah oo lagu sugayo amniga dalka Itoobiya.

More in News

To Top