Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Mindi Ku Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Boolis Faransiis Ah

focus

Nin Mindi Ku Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Boolis Faransiis Ah

Nin Mindi Ku Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Boolis Faransiis Ah

(SLT-Cannes)-Nin mindi ku hubeysan ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska magaalada Cannes ee koonfurta dalka Faransiiska.

Mid ka mid ah booliska ayaa toogtay ninka weerarka geystay, kaasoo xaalladiisa caafimaad ay aad u liidato, isla-markaana uu haatan ku jiro cisbitaalka.

Saddexda askari ee booliska ah ayaan waxba soo gaadhin. Booliska Faransiiska ayaa baadhaya in ninka weerarka geystay oo la sheegay inuu u dhashay Algeria uu weerarkiisa la xidhiidho arrimo diimeed iyo in kale.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska, Gerald Darmanin oo la hadlayay warfidiyeenka, ayaa sheegay in ninka weerarka geystay ayna ka warqabin mas’uuliyiinta.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top