Connect with us

somalilandtoday.com

Giriigga Oo Turkiga Dib Ugu Soo Celiyay Soomaali Tahriibayaal Ah

focus

Giriigga Oo Turkiga Dib Ugu Soo Celiyay Soomaali Tahriibayaal Ah

Giriigga Oo Turkiga Dib Ugu Soo Celiyay Soomaali Tahriibayaal Ah

(SLT-Giriiga)-Wararka ka imanaya dalka Giriigga ayaa sheegaya in ciidammada ilaalada xeebaha dalka Giriigga ay dib u celiyeen laba doonyood oo ay saarnaayeen dhalinyaro Soomaali ah kuwaasoo doonayay in ay galaan dalka Giriigga.

Dhalinyaradan tahriibayaasha ah ayaa dib loogu celiyay dalka Turkiga lamana oga in xaalada ay haatan ku sugan yihiin.

Soomaali u badan dhalinyaro ayaa u tagta dalka Turkiga inay galaan dalka Giriigga kadibna waddamada kale ee qaarada Yurub ugaga soo gudbaan.

Sidoo kale waxaa dhibaato ku haysataa gudaha dalka Belarus Soomaali badan oo tahriibayaal ah kuwaasoo doonayay inay galaan gudaha dalka Poland kadibna uga sii gudbaan dalalka kale ee qaarada Yurub.

Xukuumada Poland ayaa ciidamo badan geysay xadka ay la wadaagto wadanka Pelarus si ay uga hortagto tahriibayaasha doonaya inay gudaha u galaan dalkeeda.

More in focus

To Top