Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Dalka Ciraaq Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil + Weerarka Oo Loo Adeegsaday diyaarad Drone Ah Iyo Xaaladdiisa

focus

Raysal Wasaaraha Dalka Ciraaq Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil + Weerarka Oo Loo Adeegsaday diyaarad Drone Ah Iyo Xaaladdiisa

Raysal Wasaaraha Dalka Ciraaq Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil + Weerarka Oo Loo Adeegsaday diyaarad Drone Ah Iyo Xaaladdiisa

(SLT-Baqdaad)-Raysal Wasaaraha waddanka Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa sheegay in isagoon wax dhibaata ah soo gaadhin uu ka badbaaday weerar lagu soo qaaday gurigiisa ku yaalla magaalada Baqdaad ee caasimadda waddankaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in hoyga ra’iisul wasaaraha oo ku yaalla aagga Green Zone-ka loo yaqaan lagu soo weerraray diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee drone-ka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, arrintaas oo loo malaynayo inay tahay iskuday lagu khaarijinayay.

Warar ay baahiyeen warbaahinta ayaa goor hore lagu sheegay in Mr al-Kadhimi loo qaaday cisbitaalka. Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku baaqay in “la isdajiyo oo cidwalba la iska xakameeyo, iyadoo la eegayo danta dalka Ciraaq.

Saraakiisha ayaa sheegay in lix qof oo ka tirsan ciidammada ilaalada ee raysal wasaaraha lagu dhaacaway weerrarkaasi.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerrarka lagu qaaday goobtan ka tirsan magaalada caasamidda ah ee ay ku yaallaan dhismooyin badan oo kuwa dowladda ah iyo safaaradaha shisheeye.

Todobaadyadii la soo dhaafay, taageerayaasha kooxaha siyaasadda ee u janjeera dhanka Iiraan ayaa meel u dhaw aagga Green Zone-ka waxa ay ka dhigayeen dibadbaxyo.

More in focus

To Top