Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisadda Ka Jirta Dalka Itoobiya, War Kasoo Baxay Safaaradda Mareykanka Oo Muujinaya In Abiy Uu Xaalku Ku Xun Yahay

focus

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisadda Ka Jirta Dalka Itoobiya, War Kasoo Baxay Safaaradda Mareykanka Oo Muujinaya In Abiy Uu Xaalku Ku Xun Yahay

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisadda Ka Jirta Dalka Itoobiya, War Kasoo Baxay Safaaradda Mareykanka Oo Muujinaya In Abiy Uu Xaalku Ku Xun Yahay

(SLT-Addis abab)-Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa ugu baaqday dhammaan dadka Mareykanka “inay deg deg” uga baxaan magaalada, sababo la xidhiidha in mucaaradka ay kusoo dhowaanayaan, ayada oo sagaal kooxood ay ku dhawaaqeen isbaheysi ka dhan ah dowladda.

Qoraal kasoo baxay safaaradda ayey uga digtay “in xaaladda amni ee Itoobiya ay tahay mid faraha kasii baxeyso.”

Waxay ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Itoobiya inay uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan.

Digniinta ayaa timid kadib markii sagaal kooxood oo ay ku jiraan kooxda Tigray-ga ee TPLF, iyo tan Oromada ee OLA ay Jimcihii ku dhowaaqeen isbaheysi cusub oo ujeedkiisu yahay inay xukunka ka tuuraan raysal wasaaraha Abiy Ahmed.

TPLF ayaa Arbacadii sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay soo gaadheen magaalada Kemissie ee gobolka Amxaarada oo 325 km waqooyi bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa.

Berhane Gebre-Christos, oo ah wakiil ka tirsan TPLF, oo heshiiska isbaheysi ku saxeexay Washington, ayaa sheegay in waqtiga uu kasii dhammaanayo raysal wasaare Abiy Ahmed.

“Waxaan damacsanahay inaan meesha ka saarno taliska,” ayuu u sheegay weriyayaasha.

Wasaaradda difaaca Itoobiya ayaa Jimcihii ugu baaqday askarta howgabka ah inay dib usoo howlgalaan “si dalka looga badbaadiyo shirqoolka lagu kala dhantaalayo.”

Isbaheysiga cusub ayaa la mid ah kii ay dhammaadkii sideetamaadkii ay dhistay kooxda TPLF ka hor inta aan xukunka laga tuurin kaligii taliyihii muddada fog Mengistu Hailemariam, 1991-kii.

More in focus

To Top