Connect with us

somalilandtoday.com

Ganacsade Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika Iyo Goobo Ganacsi Oo La Gubay

News

Ganacsade Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika Iyo Goobo Ganacsi Oo La Gubay

Ganacsade Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika Iyo Goobo Ganacsi Oo La Gubay

(SLT- Limpopo)-Kooxo hubeysan oo ah budhcad u dhalatay dalka Koofur Afrika ayaa Xalay ganacsade Soomaali ah waxay ku dileen deegaanka lagu magacaabo Tempisa oo ka tirsan gobolka Limpopo.

ganacsadaha Soomaaliga ee lagu dilay Koofur Afrika ayaa lagu magacaabi jiray Shaafici Cabdulle Saneey, kaasoo budhcadu ay ku dhex dileen goobtiisa ganacsi.

Meydka Marxuumka waxaa goobtiisa ganacsi ka dhex qaaday muwaadiniin kale oo Soomaali ah oo goobo ganacsi kulahaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta lagu dilay marxuumka.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sida caadada u aheyd dilka kadib waxay tageen halka uu dilka ka dhacay, iyagoona sameeyay baadhitaano ay ku baadi goobayeen raggii ka dambeeyay falkaas oo durbadiiba goobta isaga baxsaday.

Dilalka loogu geysanayo Muwaadiniinta Soomaalida Dalka Koonfur Afrika ayaa maalmihii dambe sii kordhaya, waxaana toddobaadkan gudahiisa lagu dilay dalkaas ilaa afar muwaadin oo dalkaasi kulaa goobo ganacsi.

Dhinaca kale warar ka imaanaya magaalada Port Elizabeth ayaa sheegaya in dukaamo xalay lagu gubay Dulleedka Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

Sedax Dukaan Oo Ajaanib ay leedahay ayaa dab la qabadsiiyay saqdii dhexe waxaana laba ka mid ah dukaamadaasi ay ku yaaleen tuulada Kwazakhele Iyado dukaanka kale sedaxaad ee lagu gubay tuulada Zwide sida laga so xigtay Afhayeenka booliska Col Priscilla Naidu.

Dhacdada dukaamada lagu gubay ayaa la rumeeysanyahay in ay daba socoto isku dhac shalay galinkii dambe Xaafadda Korsten ku dhaxmaray darawalada Taksileeyda iyo Soomaalida degan xaafadahaasi waxaana shalay la gubay in ka badan 10 gawaadhi nooca caasiyada loo yaqaano.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News

To Top