Connect with us

somalilandtoday.com

Qaramada Midoobay Oo Bayaan Culus Kasoo Saartay Shacabkii Laga Soo Mustaafuriyay Laascaanood

focus

Qaramada Midoobay Oo Bayaan Culus Kasoo Saartay Shacabkii Laga Soo Mustaafuriyay Laascaanood

Qaramada Midoobay Oo Bayaan Culus Kasoo Saartay Shacabkii Laga Soo Mustaafuriyay Laascaanood

(SLT-Addis Ababa)-Hay’adda isku dabaridka gargaarka Qaramada Midoobay ee UNOCHA ayaa bayaan ay soo saartay kaga hadashay barakicinta khasabka ee ay dawladda Somaliland ka wado Laascaanood, taas oo lagu beegsanayo dadka kasoo jeeda dalka Soomaaliya.

UNOCHA ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga war-warsan-tahay xaaladda dadka laga soo masaafuriyey magaaladaasi, kuwaas oo isugu jiro carruur, dumar iyo rag.

Hay’addan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan howlaha isku dabaridka gargaarka ayaa sheegtay inay sidoo kale diyaarinayaan qorshayaal deg-deg ah oo lagu caawinayo dadkaasi.

“Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay hay’adda UNOCHA.

Sidoo kale hay’adda UNOCHA ayaa ugu baaqday hay’adaha samafarlka inay gurmad deg-deg ah u fudiyaan dadkaasi, iyada oo la kaashanayo maamullada ka jira halkaasi.

“Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan gargaarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa markale lagu yidhi bayaan kasoo baxay hay’adda isku-dabaridka gargaarka QM ee UNOCHA.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top