Connect with us

somalilandtoday.com

FARMAAJO Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Raysal Wasaaraha La Dhaariyay Ee Dalka Itoobiya

focus

FARMAAJO Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Raysal Wasaaraha La Dhaariyay Ee Dalka Itoobiya

FARMAAJO Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Raysal Wasaaraha La Dhaariyay Ee Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis-Ababa kulan doceed kula qaatay Raysal Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Abby Ahmed.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan, xaaladda siyaasadeed ee Gobolka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Abby Ahmed ayaa iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gaadhay Adis-Ababa, waxaana uu halkaasi kaga qayb galay caleema saarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo mar kale loo dhaariyay RW Itoobiya, Isagoo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay Munaasabadda xildhaarinta, taasi oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee Gobolka iyo xidhiidhka labada dal.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top