Connect with us

somalilandtoday.com

Xildhibaan Rayte Oo Laga Sii Daayey Xabsiga

focus

Xildhibaan Rayte Oo Laga Sii Daayey Xabsiga

Xildhibaan Rayte Oo Laga Sii Daayey Xabsiga

(SLT-Hargeysa)-Ibraahim Jaamac Rayte, oo ka mid ahaa Xildhibaannadii hore ee Golaha Wakiillada, ayaa laga sii daayey xabsiga, ka dib markii Ciidammada ammaanku xidheen shalay, xilli uu ka soo degay Madaarka Hargeysa, isaga oo ka yimid dhinaca Muqdisho.

Sii deynta Rayte, ayaa la sheegay in ay ka shaqeeyo Salaadiin Deegaankiisa ah oo uu hormuud yahay Suldaan Cumaani, kaas oo xadhigga Suldaanka kala hadlay Madaxweynaha.

Ibraahim Jaamac Rayte oo muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa Muqdisho, ayaa wararku sheegeen inuu halkaas u joogay hawlo shaqo oo uu hayey Hay’adda caalami ah

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top