Connect with us

somalilandtoday.com

Ninkii Sawirrodda khaldan Ee Cayda Ah Ka Sameeyey NABI MUXAMED NNKH Oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday

focus

Ninkii Sawirrodda khaldan Ee Cayda Ah Ka Sameeyey NABI MUXAMED NNKH Oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday

Ninkii Sawirrodda khaldan Ee Cayda Ah Ka Sameeyey NABI MUXAMED NNKH Oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday

Waxaa shalay gelinkii danbe shil gaadhi ku dhintay Lars Vilks oo ahaa Farshaxaniste Iswiidhisa oo hore u sameeyay sawir gacmeedyo uu ku aflagaadeyay nebi Maxamed (NNKH).

Shilkan oo ka dhacay nawaaxiga magaalada Markaryd ee dhacda koonfurta Sweden waxaa sidoo kale ku dhintay laba ka tirsan Booliska Sweden oo uu ilaalo u ahaa Lars Vilks.

Sanadkii 2007kii ayay ahayd markii uu sawirgacmeedyada ku aflagaadeeyay nebi Maxamed (NNKH), muddo 13sanadood ah waxa uu ku hoos noolaa ilaalo booliis gaar ah oo loo sameeyay kuwaasi oo aanu la’aantood socon jirin.

Hoggaanka ciidanka booliska Sweden oo goor dhaweyd ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inuu ahaa shil gaadhi oo ay isku dhaceen gaadhiga uu saarnaa farshaxanistahan iyo gaadhi kale oo xamuul ah oo jidkaasi ku safrayay waxaanay sheegeen inay sii wadi doonaan baadhitaanka la xidhiidha dhacdadan.

Waxaa xusid mudan in Sweden iyo dalal badan oo dunida muslimka ah uu xidhiidhkoodu xumaaday ka dib markii farshaxanistahani uu daabacay xiligaasi sawir gacmeedkaas taasi oo keentay in Raysal wasaarihii hore ee Fredrik Reinfeldt uu kulan isugu yeedhay safiirada dalalka muslimiimta ahaa ee joogay Sweden si ay u dajiyaan xiisada ka dhalatay arintaasi.

Maxamed Cawad Maxamed
Gothenburg, Sweden

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top