Connect with us

somalilandtoday.com

Farmaajo Oo Safar Ku Tagay Itoobiya

focus

Farmaajo Oo Safar Ku Tagay Itoobiya

Farmaajo Oo Safar Ku Tagay Itoobiya

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa goor dhow u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia, kadib markii lagu martiqaaday caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo bishii June Xisbigiisa ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday.

Munaasabada caleemasaarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay ka soo qeybgalaan madax badan oo ka socota qaarada Afrika.

Waxana  caleema saarka Abiy Ahmed uu ku soo beegmayaa xilli Waqooyiga dalka Ethiopia ay ka socdaan dagaalo ay ku dhinteen kumanaan qof halka kumanaan kalana ka barakaceen deegaanadooda.

Socdaalka Farmaajo ee Addis Ababa ayaa ah kii ugu horreeyay ee uu dal dibadda ah ugu ambabaxo, tan iyo wixii ka dambeeyay 25 April qalalaasihii iyo iska hor imaadyadii ka dhacay Muqdisho ee sababay inuu ka laabto muddo korodhsigii labada sanno.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top