Connect with us

somalilandtoday.com

“Xisbigii KULMIYE Nafi Kuma Jirto,Halkii Ugu Liidatay Ayuu Marayaa…” Siyaasi Cabdoow Aayaar

focus

“Xisbigii KULMIYE Nafi Kuma Jirto,Halkii Ugu Liidatay Ayuu Marayaa…” Siyaasi Cabdoow Aayaar

“Xisbigii KULMIYE Nafi Kuma Jirto,Halkii Ugu Liidatay Ayuu Marayaa…” Siyaasi Cabdoow Aayaar

(SLT-Hargeysa)- Siyaasi Cabdow Axmed Aayar oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE,isla markaana xilal ka soo qabtay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in Xisbiga KULMIYE uu marayo meeshii ugu liidatay,waxaau sheegay in aanu dhaadanayn Madaxweyne Biixi,haseyeeshee uu daawanayo filan hore,iyadoo ay kawaadirtii Xisbiga tacabka baddan soo gelisay ay tooraha is daba haystaan oo ay ka haajirayaan Xisbiga,kaddib markii talladii KULMIYE ay noqotay mid uu gosha ku qaatay Madaxweyne Biixi.

Cabdoow Aayar oo arrintaas ka hadlay ayaa haddalkiisa ku bibaabay sidan:-“Xisbigii KULMIYE maanta waxa uu taagan yahay meel aad u liidata,Xisbigiina wuu sii liciifayaa oo laf dhabartiisii iyo raggii aasaaska iyo bud-dhiga u ahaa nin-ba maalin ayuu ka socdaa,weli Muuse waxa aan u arkaa in aanay u muuqan oo dhalanteed kale uu daawanayo oo hortiisa yaalla.”

Isagoo intaas ku daray “ Xaqiiqadu waxa weeye Xisbigii KULMIYE ee tacabka baddani ku baxay ee sida fuddud kursiga loogu fadhiisiyey Muuse Biixi Cabdi in ummaddii Xisbiga laf dhabarta u ahayd ee dhaqaalaha iyo dedaalka baddan kaga soo baxay uu dayriyey,waxaanay ku socotaa hadda in inta ku hadhay maanta ee midhadhka ahi inay iyana jidkaa ku soo wadda jiraan oo nin-ba jaho uu u dhaqaaqoba uu nin waliba ka bixi.”ayuu yidhi Cabdoow Aayar

Siyaasi Cabdoow Aayar ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu Guddoomiynimadda iyo Musharraxnimada Xisbiga wareejiyo, haddii uu rabo bad-baada Xisbiga “Waxaan leeyahay oo kula tallinayaa Xisbiga nafi kuma hadhin halkii ugu dambaysay ayuu marayaa waa dhuun yeedhis, Xisbiga iska wareeji,weliba haddii aan talladayda raacsado Xisbiga iyo Musharrax-nimaddaba iska wareeji,sida maanta kuu sharafta roon waa addiga oo labadaba dhiiba oo hanneeya.”ayuu yidhi

Sidoo kale Siyaasi Cabdoow Aayar ayaa sheegay in aanu Madaxweyne Biixi fullin ballan-qaad-yadii uu sameeyey xiligii ollolaha doorashada Madaxtooyadda“Lakiin sida aad maanta aad wax u waddo dadkii ma garaad la’a caqli ayey leeyihiin ballanqaad ayaad u fidisay barri illaa Galbaad, meel qudha haddii aad sheegatid oo aad tidhaah-did waxaas ayaan ka fulliyey,waa kuu guul, lakiin meel qudha oo aad wax ku fullisay oo aad shaaganaysaa ma jirto aan ahayn fartiina ayaad eedaysaan dadku fartoodii eedde, xaqiiqda iyo runta marka la sheegana dadka garaadkoodu maaha wax la caayo.”

Dhanka kalena Cabdoow aayar ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland in ay codkooda u meel dayaan,isla markaana aanay eeddin codkooda iyo fartooda mar labaad“Ma garanaayo maanta Muuse wuxuu dadka kula soo bixi doonno,ma garanaayo waxa uu u sheegti doonno,waayo waxa qudha oo uu fulliyey oo umadda tusay oo uu ballan-qaaday ma jirto,iima muuqato wuxuu dhigtay,waxaan leeyahay bushada reer Somaliland codkiina iyo fartiina mar labaad ha eeddina .” ayuu yidhi

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top