Connect with us

somalilandtoday.com

Xagasha Diblomaasiyadeed Ee Laga Akhrisan Karo Kulankii Ay Magaalada Dubai Ku Wada Yeesheen Ex. Madaxweyne Silaanyo & Gudd. Cirro

focus

Xagasha Diblomaasiyadeed Ee Laga Akhrisan Karo Kulankii Ay Magaalada Dubai Ku Wada Yeesheen Ex. Madaxweyne Silaanyo & Gudd. Cirro

Xagasha Diblomaasiyadeed Ee Laga Akhrisan Karo Kulankii Ay Magaalada Dubai Ku Wada Yeesheen Ex. Madaxweyne Silaanyo & Gudd. Cirro

Waxaa dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Imaaradda Dubai ku kulmay madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani oo faalooyin kala duwan laga bixiyey.

Laakiin anigu waxa aan ka eegayaa dhinaca diblomaasiyadeed iyo saameynta uu ku leeyahay Axmed Siilaanyo iyo qoyskiisu xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo imaraatka carabta oo uu isagu xiligii uu talada joogey sameeyey.

Xidhiidhka imaratku ma laga yaabaa in uu raaco Siilaanyo, sababta oo ah markii la wad-waday arinkaasi madaxweynaha talada hayaa waxa uu ahaa dadkii saluugsanaa , haddana dantiisa siyaasadeed ayaa uu ilaashanayey. Dhawr goor intan uu talada hayey hadalo ka dhan ah waa ka sheegay gaar ahaan Airportka Berbera, xafiiskii UAE iyo Somaliland ee Dubai waxa inoogu dambaysay markii laga badelay wiilkaasi ambassador baashe cawil .

Xiligii kaambaynkii doorashada madaxtooyada ee 2017 gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa si cad u sheegay in hadii uu talada dalka ku guuleysto dib loo eegi doono heshiiskaasi , xiligaasi ayaa waxa dalka imaratka carabta si deg-deg ah loogaga yeedhay madaxwayne Biixi oo murashax ah , soo noqodkiisiina waa kii Djibouti soo mari jirey xiligii xaalada ina Geelle Arab iyo Dawladda Djibouti cirka maraysay.

Haddaba ma laga yaabaa hadii Axmed Siilaanyo iyo qoyskiisu siyaasiyan ugu guuraan dhinaca waddani in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi dawlada UAE soo taageerto imikana lagala hadlayey qorshihiisii kaambaynkii hore ee doorashada ee lidiga ku ahaa mashaariicda UAE Somaliland ka wado sida loo maamulay in la leeyahay ka noqo.

Qalinka: Maxamed Cabdi Jaamac (Maxamed Dhimbiil)

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top