Connect with us

somalilandtoday.com

Xaaladda Siyaasadeed Ee Somalia Oo Wali Cakiran Iyo Masuulkii Kiiska Ikraan Tahliil Loo Haystay Oo La Wareegay Xilkii Muranku Ka Dhashay

focus

Xaaladda Siyaasadeed Ee Somalia Oo Wali Cakiran Iyo Masuulkii Kiiska Ikraan Tahliil Loo Haystay Oo La Wareegay Xilkii Muranku Ka Dhashay

Xaaladda Siyaasadeed Ee Somalia Oo Wali Cakiran Iyo Masuulkii Kiiska Ikraan Tahliil Loo Haystay Oo La Wareegay Xilkii Muranku Ka Dhashay

Taliyihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya ee Xilka looga qaaday baadhista kiiskii Haweenaydii ka tirsanayd Hay’adda oo looga shakisan yahay inuu Dilkeeda ku lug lahaa ayaa shalay la wareegay Xilkii muranka dhaliyay ee uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa Shalay  si rasmi ah ula wareegay xilkaas cusub ee dhowaan loo magacaabay ee la taliyaha Amniga Farmaajo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Xilkaas ayaa waxaa horey u hayey oo laga qaaday Cabdisaciid Muuse Cali, oo loo wareejiyay inuu noqdo agaasimaha guud ee madaxtooyada, xilkaas oo uu si rasmi ah ula wareegay 11-kii September 2021.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray Shalay ku yidhi “La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin ayaa maanta la wareegay waajibaadkiisa kadib markii dhowaan la magacaabay.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Fahad ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey xilkan, halka uu ballan-qaaday inuu dalka ugu adeegi dooni, naf-hurid iyo wadanninimo, si sare loogu qaado amniga.”

Farmaajo ayaa xilkan u magacaabay Fahad 7-dii September, markaasi oo qoraal uu soo saaray ku yidhi “Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Go’aanka Farmaajo ugu magacaabay Fahad la-taliyaha amniga qaranka ayaa yimid maalin kadib markii uu ku guul-darreystay isku day uu ku hor-istaagay shaqo ka-joojin uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyey Fahad, oo ahaa agaasimaha NISA.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top