Connect with us

somalilandtoday.com

Suudaan Oo Iska Difaacday Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Weerar Ku Qaaday

focus

Suudaan Oo Iska Difaacday Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Weerar Ku Qaaday

Suudaan Oo Iska Difaacday Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Weerar Ku Qaaday

Suudaan ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay Sabtidii iska caabiyeen ciidamo Itoobiyaan oo isku day weerar ah kusoo qaaday dhulkeeda.

Madaxa militeriga Suudaan, Janaraal Cabdel Fataax Al Burhan ayaa sheegay in tallaabadan ay muujineyso in ciidamada ay difaacayaan dhulkooda kadib isku daygii militeri ee dhawaan ka dhacay Suudaan.

Bayaan kasoo baxay dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay in isku dayga weerar uu ka dhacay degmada Umm Barakit.

Warbaahinta Al Jazeera oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay sidatan, “Waxaan beenineynaa wararka sheegayo in ciidamadeena ay u dhaqaaqeen dhinaca xadka Suudaan ama ay duulaan ku qaadeen deegaanka”

Degmada Umm Barakit waxay dhacdaa gobolka lagu muransan yahay ee Al Fashaqa halkaas oo ay ka taagneyd xiisad.

More in focus

To Top