Connect with us

somalilandtoday.com

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Ee Sheegta Inay Matalaan Somaliland Oo Dib U Dhac Ku Yimid

focus

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Ee Sheegta Inay Matalaan Somaliland Oo Dib U Dhac Ku Yimid

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Ee Sheegta Inay Matalaan Somaliland Oo Dib U Dhac Ku Yimid

Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee sheegta inay matalaan Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in maanta ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee berrito oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato.

“Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu.

Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay guddiga.

Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka salaasada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September, balse waxay doorashadu hada dib u dhacday waqti aan la cayimin.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top