Connect with us

somalilandtoday.com

Xoggo Laga Helay Wefti Qarsoodi Ku Jooga Magaalada Hargeysa

focus

Xoggo Laga Helay Wefti Qarsoodi Ku Jooga Magaalada Hargeysa

Xoggo Laga Helay Wefti Qarsoodi Ku Jooga Magaalada Hargeysa

Wefti ballaadhan oo ka socda dalka Qadar ayaa toddobaadkan dalka soo gaadhay,kuwaas oo si hoose ku soo gallay,waxaana la sheegay in ay qaabishay Xukuumadda Madaxweyne Biixi,isla markaana  ay dejisay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ma jiro war amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Xoggahan oo Wargeyska Waaberi ka helay diblumaasiyiin ku sugan Magaalada Hargeysa iyo bariga dhexe oo u dhuun-daloola socdaalka waftigan,ayaa tibaaxay in dawlada Qadar ay hadda ku hawlantay sidii ay Xidhiidh ula samaysan lahayd Somaliland,waxaana la sheegay inay weftigan yihiin kuwo u yimi sidii loo unki lahaa heshiis-yo dhex-mara Somaliland iyo Qadar

Geesta kale, waxa xoggahani markii u horraysay fasiraad ay ka bixiyeen arrimaha lagu xidhiidhinayo socdaalka weftiga miisaanka leh ee reer Qadar ee dalka soo gaadhay,waxaanay sheegeen in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay ka helleen casuumad rasmi ah,isla markaana ay Xukuumaddu iyadu lahayd qorshaha ay ku yimadeen

Dhanka kalene weftigan oo degan Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,isla markaana ay amaankooda si weyn u sugayo Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay inay inta ay dalka joogaan ay kullamo la yeellan doonnaan Madaxweyne Biixi iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa,isla markaana ay bookhan doonnaan Magaalada Berbera

Si kastaba ha-ahaatee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa u muuqata mid gacan saar siyaasadeed iyo iskaashi la yeellaynaysa Dalka Qadar, maddaama oo uu muddooyinkii dalmbe aanu fiicnayn xidhiidhka imaraadka Carabta iyo Somaliland

More in focus

To Top