Connect with us

somalilandtoday.com

Turkiga Oo Xadhig Iyo Mustaafurin Iskugu Daray Ganacsato Soomaali Ah

focus

Turkiga Oo Xadhig Iyo Mustaafurin Iskugu Daray Ganacsato Soomaali Ah

Turkiga Oo Xadhig Iyo Mustaafurin Iskugu Daray Ganacsato Soomaali Ah

Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in ganacsato Soomaali ah lagu xidhxidhey magaalada Ankara dalka Turkiga, halka albaabada la isugu dhuftay goobahooda ganacsi.

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Caydiid ayaa sheegay in isbedelka ka dhacay Afgaanistaan uu dhaliyay in culeys xukuumadda Ankara ay saareen xubnaha mucaaradka si ay wax uga qabato Ajaanibta.

“Waxa aan ka war-helnay olole lagu uruurinayo Ajaanibta Ankara Joogta oo Soomaalidu qayb ka tahay, wixii ka dambeeyay isbedelka Afgaanistan waxaa xoogeystay qabqabashada dadka aan u dhalan dalka, waxaa nala xidhay sagaal qof oo toddobo kamid ah waa rag halka labana ay dumar, balse waxaan ku guuleysanay ugu dambeyn in aan soo deyno” ayuu yidhi Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga.

Ganacsatada Soomaalida ee la xidhxidhey ayaa la sheegay in dukumintiga ay wataan iyo howlaha ay hayaan ayna is waafaqsanayn.

“Dadka la xidhay waxaa kaadhadhkooda ugu qoran arday, caafimaad in uu ku yimid Turkiga, dalxiis iyo diblumaasiyiin, Dowladda Hoose ee Ankara ayaa ku doodeysa in shaqada ay hayaan dadkaan ee ganacsiga iyo kaadhadhkooda iska hor imaanayaan” ayuu yidhi Danjire Jaamac Caydiid.

Ganacsatada Soomaalida ah ee la xidhxidhey ayaa loo qabtay muddo soddon cisho ah inay kaga baxaan dalka Turkiga.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top