Connect with us

somalilandtoday.com

Labadii Sanno Ee Ugu Dambeeyey Dilalkii Qorshaysnaa Ee Ka Dhacay Laascanood Iyo Magacyadda Mas’uuliyiinta Lagu Dilay

focus

Labadii Sanno Ee Ugu Dambeeyey Dilalkii Qorshaysnaa Ee Ka Dhacay Laascanood Iyo Magacyadda Mas’uuliyiinta Lagu Dilay

Labadii Sanno Ee Ugu Dambeeyey Dilalkii Qorshaysnaa Ee Ka Dhacay Laascanood Iyo Magacyadda Mas’uuliyiinta Lagu Dilay

Tan iyo intii uu Xisbiga KULMIYE qabtay xilka Madaxweynenimada dalka sannadkii 2010-kii,waxa isa soo tarayey mar-ba marka ka dabaysay dilalka qorshaysan ee ka dhacaya Magaalada Laascanood,kuwaas oo ah qaar lagu khaarajiyey masuuliyiin kale duwan.

Dilalka qorshaysan ee mudda’daa 11 sanno ee uu xilka hayey Xisbiga KULMIYE ka dhacay Magaalada Laascanood,isla markaana lagu khaarajiyey masuuliyiinta kale duwan,ayaa tiradoodu kor u dhaaftay 70 qof,kuwaas oo isugu jiray masuuliyiin iyo haldoorkii Gobolkaas,waxaana la sheegay in aan gacanta lagu dhigin inta baddan gacan ku dhiiglayaashii fallalkaasi geystay,iyadoo uu ugu dambeeyey dilaalkaasi qorshaysan ee lagu beegsanayo haldoorka Gobolka Sool dilkii habeen hore loo geystay Marxuum Xildhibaan Cabdirasaaq Gardoofe oo 12 bishan September 2021-ka lagu dilay guddaha Magaalada Laascanood.

Dhanka kalene Sannadkan hadda aynu ku jirno iyo sannadkii hore ee 2020-kii ayaa dilalka ka dhacay Magaalada Laascanood ay yihiin qaar lagu beegsaday nin doorkii Gobolka Sool,isla markaana lagu khaarajiyey masuuliyiin kale duwan,kuwaas oo aan gacanta lagu soo dhigin cidii dilka u geysatay.

1. Guddoomiyihi Maxkamadda Laascanood Xasan Shiikh 2 march 2020

2. Taliyihi Sirdoonka Gobolka Cabdiqani Guhaad 16 march 2020

3. Guddoomiye ku- xigeenkii Maxkamadda Laascanood Cabdullaahi Salaad Wadaadyare, 18 November 2020

4. Xubin katirsan Wasaradda Maaliyada Gobolka Sool Cabdirashiid

5. Guddoomiyihi Komishanka doorashooyinka Somaliland Cabdilaahi Labagole 31 Juun 2021

6. Xubin Golaha deegaan Magaalada Laascanood Cabdirisaq Cardoofe 12 september 2021.

Geesta kalena Dilalka qorshaysan ee lagu ugaadhsanayo haldoorka Gobolka Sool ayaa u muuqda qaar xidhiidhsan,kuwaas oo isku mid ah, maddaama oo ay ka siman yihiin in aan la qaban oo aan gacanta lagu dhigin gacan ku dhiiglayaashii falalkaas ka dambeeyey.

Xukuumadda KULMIYE ayaa inta baddan lagu canaantaa in aanay falalkaas si weyn uga hawlgelin,isla markaana aanay war-bixino ay ku qancaan bulshada reer Sool iyo gud ahaan-ba bulshada reer Somaliland ka soo saarin” ‘Dil Walba oo ka dhaca Laascaanood waxaa Masuul ka ah Somaliland,Dilalka Qorsheysan waxay ka bilowdeen magaalada Laascaanood 2010 , waana intii ay Somaliland Joogtey ,iyadaana masuul ka ah .”Sh C/Naasir Xaaji Axmed

More in focus

To Top