Connect with us

somalilandtoday.com

Dad Loo Qabtay Dil Loogu Geystey Nin Soomaali Ah Dalka Canada

focus

Dad Loo Qabtay Dil Loogu Geystey Nin Soomaali Ah Dalka Canada

Dad Loo Qabtay Dil Loogu Geystey Nin Soomaali Ah Dalka Canada

Wararka ka imanaya dalka Canada ayaa sheegaya in Booliska dalkaasi ay u qabteen laba qof dil loogu geystey dalka Canada nin asalkiisu ahaa Soomaali.

Booliska magaalada Winnipeg ee dalka Canada ayaa xidhay laba eedeysane oo lala xidhiidhinayo dilka Allaha u naxariistee Maxamed Yuusuf Abiikar oo 26-kii bishii August ee sanadkii hore lagu dilay magaaladaasi.

Labada eedeysane oo aan Soomaali aheyn ayaa loo heystaa darajada koowaad ee dilka.
Maxamed Yuusuf oo ahaa reer Toronto ayaa marka la dilayay fasax ahaan u joogay maaalada Winnipeg.

Dalka Canada ayaa waxaa ka dhaca dilal badankood dadka geysta ay ka baxsadaan cadaalada hase yeeshee qabashada labadan eedeysane ayaa waxaa soo dhaweeyay muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku nool dalka Canada

More in focus

To Top