Connect with us

somalilandtoday.com

“Kornayladu May Fahmin Dimuquraadiyada Oo Xukunkii Afweyne Ayuu Garaad kooda Siyaasadeed Weli La Haystaa…” Cali Kubad

focus

“Kornayladu May Fahmin Dimuquraadiyada Oo Xukunkii Afweyne Ayuu Garaad kooda Siyaasadeed Weli La Haystaa…” Cali Kubad

“Kornayladu May Fahmin Dimuquraadiyada Oo Xukunkii Afweyne Ayuu Garaad kooda Siyaasadeed Weli La Haystaa…” Cali Kubad

Cali-khadar Xasan Cismaan (Cali Kubad) oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in aanay Xukuumadda iyo Madaxweynuhu xaq u lahayn in ay faro geliyaan shaqada iyo waajibaadka loo doortay Maayirada iyo Goleyaasha Deegaanka.

Maqaal uu qoray Cali Kubad, ayaa waxa uu ku yidhi “Adduunyadan reer galbeedka ee aynu jilno dimuquraadiyadu ay samaysteen, waxa ka xaaran ah in dawlada hoose ee la soo doortay aanay faraha la geli karin xukuumada dhexe, waayo dawladaha hoose waa dimuquraadiyadii oo hoos loogu soo dejiyey heer hoose( Local government). Qof ay dadweynuhu soo doorteen, qof kale oo la soo doortay ama qof la soo doortay soo magacaabay wax uma yeedhin karo, oo dee suuragalba maaha taasi. Tusaale, markii uu xanuunka COVID-ku yimi, ayaa waxa dadweyne faro badan oo guryaha loo yaqaano guri baadiyaha( cottages) ku leh meelo ka baxsan magaalada Oslo( Norway), ayey is yidhaahdeen u baxsada, oo magaaladan weyn ee uu ku habsadey xanuunkani ka fogaada. Waxa dhacday inay Maayaradii magaalooyin kaas yar yar maamulayey, inay yidhaahdeen ma imi kartaan magaalooyin kayaga, waayo dee xanuunkii baad u keenaysaan dadkii magaalooyinka yar yar deganaa, sidaas darteed amarkii maayarada tuulooyinka yar yar baa hirgalay. Caasimada oo uu degan yahay boqorka Norway iyo xukuumadii dhexe oo Raysal wasaarihii iyo wasiiradiisuba joogaan waxa amrayey waqti la xidhayo ama la furayo dhaqdhaqaaqa dadka Maayirka Hargeysa dhigiisa ee Oslo, Norway. Bal Muuse Biixi ma yeeli lahaa amarka Maayar C/kariim? Jawaabtu waa maya.

Sababaha loogu dhegan yahay Maayarada iyo xildhibaanada degaanada waxa weeye kuwo dhaqaale iyo qaar siyaasadeedba. Dadyow u xog-ogaal ahaa doorashadii madaxweynimada ee 2017, waxay ii sheegeen inay maayerkii hore ee C/rahman Solteco iyo maayerka Berbera Maayer Cidin ay dhaqaale ahaan ka caawimo badnaayeen tijaartii dhaqaalaha ka caawineysey Madaxweyne Biixi markuu musharaxa ahaa. Sida la sheegay labadaas Maayar lacagtay ku tabaruceen waxay kasoo saareen dhulkii hantida guud oo iibiyeen, hada waxaynu ka hadlaynaa lacag malaayiin ah. Waxa kale oo la isoo tebiyey in xitaa rag badan oo ah siyaasiyiintii taabacsanaa Muuse Biixi, ay dawladahaas hoose ka qaadan jireen mushaharooyin xad-dhaaf ah iyagoon wax xilal haynin. Iminkana ama dhulkan Ilaahay ku saliday Muuse ha noqoto, ama dhul hadhow doorashada soo socota loo iibiyo ha noqotee, waxay xukuumada Muuse ku dedaaleysaa inay mar danbena sidii markii hore oo kale, ay hantidaas iyo dhulalkaasba ay ku hawl gasho.

Isku soo wada duuboo, haddii Maayaradii la soo doortay ay xukumayaan wasiiro uu Madaxweynuhu soo magacaabay, amaba madaxweynihii isagaba sidooda oo kale loo soo doortay, maxaynu doorashooyinka dawladaha hoose isugu daalineynaa, maynu doorashadoodaba iska dhaafno si uu madaxweynaha ama xukuumada dhexe ay u soo magacaabaan. Miyaanay cay iyo weji gabax ku ahayn lix iyo labaatankii kun ee dhalinyarada ahaa, ee codkooda ugu deeqay Maayar C/ kariim si ay isbedel siyaasadeed oo hor leh ay u sameeyaan. Mise qolodan askarta ahi waxay u haystaan inay sidii Afweyne oo kale ay qori caradii innagu qabsadeen. Xukuumada Muuse Biixi waxay innagu tidhaahdaa cadow baanu la soo dagaalanay oo dalka annagaa xoraynay, laakiin Madaxweyne Muuse iyo xukuumadiisu waxay isha ka ridayaan hanaankii dimuquraadiyada oo askarinimadii iyo garaad la’aanta ka haysata dimuquraadiyad baa kasoo if baxday. Dhalinyaradii codkooda siiyey Maayerada cusub waa inay is garab taagaan Maayaradooda oo haddii loo baahdo ay mudaharaadaan; Maayaraduna waa inay xilkooda gutaan oo ay gartaan in loo soo doortay sidii Madaxweynaha iyo golaha wakiilada loo soo doortay oo kale. Waxii uu Distoorkeenu qeexayo ee ah wada shaqaynta xukuumada dhexe iyo dawladaha hoose ha guteen, laakiin waxii intaas dhaafsiisan yaan la is amaahinin.”

More in focus

To Top