Connect with us

somalilandtoday.com

Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

focus

Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

(SLT-Pretoria)-Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay nin Soomaali ah oo sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan gudaha waddankaasi lagu toogtay agagaarka magaalada Pretoria.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Mahad Dheere ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay goobtiisa ganacsi oo lu taallay degmada Malmelodi oo hoostagta Pretoria.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Ganacsadaha Soomaaliga ah oo dhalinyaro ahaa in la dilay, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta iskaga baxsadeen falka kadib.

Sidoo kale waxaa goobta gaadhay ciidammo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baadhitaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse kama ayna hadlin dhacdadaasi.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan wajaha xaalado aad u adag.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo weerarada loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.

More in focus

To Top