Connect with us

somalilandtoday.com

FARMAAJO Oo Shaaciyay Inuu Hakiyay Awooda Raysal Wasaaraha Soomaaliya

News

FARMAAJO Oo Shaaciyay Inuu Hakiyay Awooda Raysal Wasaaraha Soomaaliya

FARMAAJO Oo Shaaciyay Inuu Hakiyay Awooda Raysal Wasaaraha Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Qoraal goor dhowayd ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha muddo xilledkiisu dhammaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in raysal wasaaraha xukuumada federalka uu ka weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray Farmaajo

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo;

Markuu arkay tallaabooyinka khilaafsan Dastuurka KMG ah ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble sida ku cad Qodobka 87aad, Xarfaha (b) iyo (c) iyo Qodobka 90aad, Xarfaha (b), (c) iyo (e);

Markuu ka weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas;

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni;

Markuu arkay in Wasiirka Koowaad uu sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood.

More in News

To Top