Connect with us

somalilandtoday.com

Laba Hablood Oo Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Vienna Ee Dalka Austeria

focus

Laba Hablood Oo Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Vienna Ee Dalka Austeria

Laba Hablood Oo Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Vienna Ee Dalka Austeria

(SLT-Vienna)-Laba Hablood oo Soomaali ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay Magaalada Vienna ee Caasimadda dalka Austeria, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah dilkaas dhacay.

Labada gabdhood ee Soomaalida ah ayaa meydadkooda laga helay Guri ay ka daganaayeen Magaalada Vienna oo da’dooda lagu kala sheegay inay kala aheyd  28-jir iyo 37-jir, kuwaasi oo kamid ahaa Soomaalida kunool Austeria.

Dilka loo geystay labada gabdhood ayaa waxaa la tilmaamay in lagu tuhunsanyahay Wiil dhalinyaro oo Soomaali ah oo 28-jir ah, waxaana la sheegay in mid kamid ah gabdhaha uu xidhiidh ka dhexeeyay.

Booliska Magaalada Vienna ee Caasimadda dalka Austeria ayaa gacanta ku dhigay wiilka lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dilka dhacay, kaasi oo ay haatan ku wadaan baadhitaano kala duwan, isagoona xiligii la qabanayay isticmaalay maandooriye.

Qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa waxaa dilal loogu geystaa dad Soomaali ah, halka qaarkood Soomaalida iyagu is dilaan, waxaana dhowr jeer oo hore sidaan oo kale Magaalooyin ku taalla dalalka Yurub dilal loogu geystay dad Soomaali ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top